Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo aaday safar dibadda ah-Dhageyso

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka golaha shacabka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u amba-baxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka qeybgali doona shirka guddoomiyeyaasha  baarlamanada Afrika ee Pan African Parliament oo Soomaaliya xubin ka tahay.

Mudane Jawaari oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka hor inta uusan dalka ka ambabixin ayaa xusay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo arimaha dhalinyarada qaaradda Afrika, sidaa awgeedna Soomaaliya arintaas si weyn u daneynayso maadaama tirada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ay dhalinyaro yihiin isla markaana heerka shaqo la’aantana uu aad u sareeyo.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Safarkeyga waxaa uu ku saabsan yahay in aan ka qeybgalo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanka Afrika oo sanadkii mar la qabto kaas oo socon doonta ilaa 11 bishan,” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Jawaari ayaa sheegay in shirka looga wada arinsan doono sida dhalinyarada dalalka Afrika loogu diyaarin lahaa in ay noqdaan hoggaamiyeyaal wanaagsan oo wadamadooda u horseeda maamul wanaag iyo ku dhaqanka sharciga.

HALKAN KA DHAGEYSO

CODKA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF JAWAARI

 

Previous Post

Akhriso liiska golaha wasiirada Puntland

Next Post

Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay-Sawirro

Next Post
Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay-Sawirro

Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay-Sawirro

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In