Kulanka Guddoomiyayaasha Barlamaannada dalalka Africa ee maanta ka furmay xarunta Barlamaanka Africa ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka South Africa Danjire Jamaal Maxamed Barrow.
Kulanka waxaa looga hadlayay arrimo muhiim ah oo quseeya qaaradda Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hoggaaminta Siyaasadda qaaradda iyo maamulka dhaqaalaha, ayada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas ayada oo la siinayo jaanisyo waxbarasho.
Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari “oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed 70% in da’dooda ka hooseyso 30 jir halka 42% da’dooda u dhaxeyso 14 – 29 kuwaa oo ay horyaalaan arrimo badan oo xal u baahan .
Xoghayaha guud ee golaha Shacabka Soomaaliyeed Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray arrimo badan oo quseeya dhalinyarada Qaaradda Africa.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyarada loo baahan yahay in garab laga siiyo saddax dhinac.
Kulanka ayaa waxaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo maalinta Barri ah waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo dhowr ah oo muhim ah dhalinyarada Qaarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hoggaaminta Qaraadda.