Wareegto Maanta Kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada Cabdullahi Maxamed Jaamac (Qudhaan Jecel).
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.
Markuu tixgeliyey:- Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.
Wuxuu Xeeriyey:-
- Waxaa Cabdullaahi Maxamed Jaamac ( Qudhaan Jecel ) loo magcaabay Wasiirru Dawlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha, Ahna Af-hayeenka Madaxtooyada.
- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.