Saturday, December 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlay Sidii Caruurta Looga Soo Saari AlShabaab Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Kulan Dadweyne Oo Looga Hadlay Sidii Caruurta Looga Soo Saari AlShabaab Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho,30 Aug 2017:-Kulankaan oo qeyb ka ah barnaamijka wacyigalinta bulshada ee loogu magacdaray “Samawade” waxa uu ahaa mid dadweynaha ku nool dagmada Yaaqshiid lagaga dalbanayay in amaanka degmada ay kala shaqeeyaan laamlaha amaanka, si looga guul gaaro ficiladda argagixiso ee suurtagal noqon karta in loo adeegsado bulshada kuwooda nugulka ah .

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray sidii waalidiintu ay ogaal dhow u yeeshaan caruurtooda, ayna ka soo saaraan kuwa hadda ku jira gacanta Alshabaab maadaama horjoogeyaashii ugu sareeyay kooxdaasi ay billaabeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi ayna isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Related posts

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025

isku keenkan dadweyne waxaa soo agaasimay maamulka degmada yaaqshiid, waxaana ka qeyb galay maamulka gobalka banaadir xubno ka socday xukuumadda Soomaaliya.

Axmed  Maxamed Xasan Geedoow gudoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa shacabka ka dalbada iney la shaqeeyaan laamaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada Ammaanku ay soo qabteen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyihii gobalka galgaduud oo horraantii bishaan lagu dilay gudaha dagmada.

Jawaahir Baarqab guddoomiyaha ururka haweenka gobolka banaadir ayaa sheegtay in lagama maarmaan ay tahay iney shacabku ciidanka la shaqeeyaan, waalidiintuna xiriir dhaw la yeeshaan caruurtooda, haddii hadda ay Al Shabaab ku maqanyihiina kasoo saaraan.

Sheekh Cali Sh Maxamuud Sh Cali-dheere Agaasimaha Waaxda Diinta Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo kamida culumada Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlaya muhiimadda ay leedahay in bulshadu amaanka maamulka ay kala shaqeeyaan.

Sh Calidheere wuxuu xusay in waajib diini uu waalidku ka saaranyahay la socoshada iyo barbaarinta ubadkooda, isagoo bulshada kulanka joogtay ku dhiirrigaliyay in ay meel uga soo wada horjeestaan fikirka xagjirnimada ah.

Previous Post

Toos u daawo Kulanka Xukuumadda iyo Saxaafadda oo ka socda Muqdisho

Next Post

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafa

Next Post
Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafa

Malaayiin Muslimiin ah oo maanta taagan Buurta Carrafa

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan

December 12, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socdayu Dalka Suudaan oo...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida

December 12, 2025
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warb aahinta qaranka ayaa ka warbixiyay xeerka...

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka

December 12, 2025
0

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, awoodaha uu siinayo dastuurka JFS ,sharciga doorashooyinka qaranka,...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

December 11, 2025
0

Tripoli, 11 December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qeybgaley...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In