Biyo la,aan Baahsan ayaa waxaa ay ka jirtaa Degmada Ceel barde ee Gobolka Bakool ka mid ah deegaanada hoos yimaada Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Ceelkii ay Buldhada Degmadu ka Cabijireen Biyaha ayaa jabay qeymaha Biyaha ayaa Fuustadii waxaa iminka la kala Siistaa qeymo lacageed oo gaaraya 150 ilaa 200 kun oo shilin Soomaali ah.
Maamulka Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka KG Soomaaliya inay Wax ka qabtaan Dhibaatada Biyo yari ee ka jirta Ceelbarde.
Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Bakool Maxamed Xasan C/raxmaan ayaa soo sheegaya Inay Saamayn aan wanaagsanayn ay ku yeelatay Bulshada Deegaanka Biyo yarida ka jirta Degmadaasi.
halkaan hoose ka dhageyso wariye Maxamed Xasan C/raxmaan: