Saturday, September 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkmadda Sare oo Shaqada ka Joojiyey 18-Garsoore

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 5, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Benaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya Sacuudiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya Sacuudiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah.

September 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

September 5, 2025

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Previous Post

Shil sababay geerida gabar Soomaaliyeed iyo dhaawaca Wariye Axmed Jaaket oo ka dhacay Mareykanka.

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo sheegtay in ay Xoojinayso Nadaamka maaliyadeed ee Galmudug

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda Galmudug oo sheegtay in ay Xoojinayso Nadaamka maaliyadeed ee Galmudug

Dowladaha Soomaaliya Sacuudiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya Sacuudiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah.

September 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa kulan la yeeshay Wasiir ku-xigeenka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay.

September 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay. Muqdisho, Jimco, 5 Sebteembar 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay dalka Masar

Dowladda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb gashay dalka Masar

September 5, 2025
0

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa ka qayb...

Wajiga 4aad ee  Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

Wajiga 4aad ee Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

September 4, 2025
0

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daah-furay Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In