Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Somaaliya oo aan lagu soo darin liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan oo la soo saarey

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Dhaqaalaha Adduunka ayaa soo saarey liiska 20ka Dal ee Dunida ugu Khatarta badan,iyadoo aan lagu soo darin Soomaaliya,sida ay baahisay Wakaaladda SONNA oo soo xiganaysa Jariiradda The Independent UK.

Warbixinta ayaa ah mid dhinacyo badan taabanaysa, oo laga fiiriyay cabir laga sameeyey,dhinacyada dalxiiska iyo safarada ilaa 136 Dal oo kamid ah Aduunka,amniga,falalka argagixisanimo waxaana la soo bandhigay ilaa 20 Dal oo kamid ah wadamada ugu Khataraha badan.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Liiskani lagu ma soo darin Soomaaliya, marka loo fiiriyo daraasaada laga sameeyey wadamo badan,taasi oo u muuqatay in ay sabab u tahay dadaalada ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka shaqeynaysa in Soomaaliya ay haatan ka duwan tahay aragtidii laga qabay guud ahaan.

Halkani ka ka Akhriso liiska wadamada iyo said ay kala yihiin.

  1. 20. Jamhuuriyadda Demuqraadiga ee Congo

Ciidamada militariga Dalka Congada Dimuqraadiga ayaa waxaa ay guud ahaan dalkaasi ka wadaan howlgalo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah iyo kooxo kale oo bur cad ah oo dadka dhibaateeya

  1. Thailand​

Wadanka Thailand​ oo dhaca Qaaradda Assia, waxaa warbixintu ay xustay in Gobolada ku yaala dhanka Waqooyi ee Dalkaasi ay kajiraan,dhibaatooyin xoogan,6,500 oo qof ayaa ku dhimatay dalkaasi,13 kii sano ee la soo dhaafay,qeybo kamid ah dalkaasi waxaa lagu soo rogay xaalado deg deg ah

  1. Jamaica​

Dalka Jameeka  oo kamid ah Koonfurta Ameerika, waxaa ka dhaca qeybo kamid ah qalalaaso xoogan , dilal qorsheysan,sida magaalooyinka Kingston iyo Montego Bay.

  1. South Africa

Koonfur Africa ayaa lagu tiriyaa wadamada ay ka jiraan dembiyada ugu culus,taasi waxay sababtay in dad badan ay amnigooda ku wareejiyaan shirkado gaar ah oo amaanka qaabilsan, si looga hortago,dilalka iyo fufsiga oo si isdaba joog ah u dhaca,sid warbixinta ku xusan.

  1. Guatemal

Guatemal,Xuduudda uu Dalkan la wadaago Mexico waa goob kamid ah goobaha ugu halista badan adduunka,waxaa kajira doofinta dadka iyo maandooriyaha oo khataro badan   leh, wadamada Latin Ameerika ugu dilalka badan ayuuna kujiraa.

  1. Chad

Wadanka Chad waxaa ka dagaalama dhamaan kooxaha argagixisada Isis, al-Qaeda iyo  Boko Haram ,dad badan oo shacab ah oo ay kujiraan ajaanib ayaa lagu dilay dalkaasi, weeraradii ugu dambeeyey ee ka dhacay,marka xuduudaha laga gudbayo waa Khatar sida xadka Suudaan iyo Liibiya uu la wadaago dalka Chad.

  1. Bangladesh​

Weeraro argagixiso,saameynta duufaano, daadad iyo Dhulgariir ayaa dalka ka dhigay mid ay ka jiraan musiibooyin  dabiici ah,

  1. Mali​

Warbixinta World economic Forum, waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarada argagixisanimo ay khataro ku hayaan amniga dalkaasi,gaar ahaan magalaaad Caasimadda ah ee Bamako,hoteelo iyo goobo kale oo kuyaala Waqooyiga iyo bartamaha dalkaasi waxaa ka dhacay dhowr jeer weeraro.

  1. Lebanon​

Kooxo kala duwan oo hubaysan ayaa kajira dalka Lebanon,duqeymo iyo weerar ayaa si joogto ah u dhaca,waxaa caadi ka ah banana baxyada rabshadaha wata oo ka dhasha muruno u dhexeeya dad ood wadaag ah,taasi oo qalalaase isku bedesha.

  1. Philippines​

Waxaa dalka filipiin u dheer khataraha kale, weeraradii dhawaan dhacay oo dad badan lagu dilay,dab ka kacay caasimadda Manila iyo afduubyo, waxaa inta badan la beegsadaa dadka Ajaanibta ah.

  1. Ukraine​

Gobolada dhaca Waqooyiga iyo Bariga dalkaasi waxaa caadi ka ah dagaalada u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo kooxaha kale ee uu Ruushka taageero,gaar ahaan Gobolada Donetsk oblast, Luhansk oblast,iyo Crimea.

  1. Honduras​

Wadanak Honduras waxaa uu hooy u yahay dilalka qorsheysan marka loo fiiriyo dunida inteedi kale, ka ganacsiaga maandooriyaha,waxaana yer dhaq dhaqaaqyada military ama boolis ee ka hortaga falalkaasi.

  1. Kenya​

Halka wadanka Kenya ay ka dhacaan weeraro ay fuliyaan kooxaha xagjiriinta ah,gaar ahaan Nairobi, qaraxyada Bombaanooyinka,dilalka toogashada ah iyo kuwo tooreeyo loo isticmaalo ayaa halkaasi ka dhaca.

  1. Egypt​

Kooxda Daacish ayaa Khatar ku haysa horumarinta kaabayasha dhaqaalaha dalkaasi,sida beegsiga dalxiisayaasha iyo dhinaca gaadiidka.

  1. Venezuela

Dhibaatooyin badan oo dhanka baahiayah aas aasiga ah ayaa halkaasi kajira,sida biyah Korantada,Caafimaadka,kuwaasi oo xaalado kacsanaan ah ka dhex abuuray bulshada, waxaa bar bar socda dhaca afduubka iyo dilalka qorsheysan.

  1. Nigeria

Labada kooxood oo kala ah Boko Haram iyo Daacish ayaa mas’uul ka ah rabshadaha kajira dalka Nigeria oo kamid ah wadamada dhaca Galbeedka Africa.

  1. Pakistan

Rabshadah salka ku haya fikradaha diimeed ayaa ragaadiyay dalka Bakistaan muddo sanado ah,waxaana ay ka jiraan inta badan gobolada dalkaasi.

  1. El Salvador​

Wadankani waa wadan inta badan dilal ay ka dhacaan,waxaa kajira kooxo qowleysato ah sida, Maras Gangs,waxaa laga ganacsadaa badi dhoofinta maandooriyaasha iyo hubka.

  1. Yemen

Kooxo falaago ah oo caasimadda Yeman ku sugan ayaa bartilmaameedsada muwaadiniinta Mareykanka,kooxaha Alqaeda ayaa sidoo kale ku sugan wadankaasi Yeman,weeraro dhanka cirka ah iyo miinooyinka dhulka ayaa dhibaatooyin ku haya bulshada,nolosha aas aasiga ayaa ku adag dadka in ay helaan.

  1. Colombia​

Dalka Colombia sidii hore uma Khatar badna, marka la fiiriyo, balse weli waxaa ka dhaca isna,weerar, afduubyo,iyo ka ganacsiga maandooriyaha sida magaalada Bogata ee Caasimadda Colombia.

Intii ay socotay warbixintan ayaan meelna looga xusay Soomaaliya, taasi oo muujinaysa in dalka Soomaaliya haatan uu kajiro horumar ballaaran.

Previous Post

Madaxweyne farmaajo “Waxaa lagu xantaa ciidanka xoogga dalka, markaan la sheekaystay cidkasta, in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah”-Sawirro

Next Post

Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka.

Next Post
Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka.

Abaabinta iyo Xannaaneynta Ubadka.

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In