Wednesday, June 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Alshabab oo lacago baad ah ku siidaayay Gabdho ugu afduubnaa Gobolka Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 12, 2017
in Wararka
0
Alshabab oo lacago baad ah ku siidaayay Gabdho ugu afduubnaa Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xoriyadoda ay dib u heleen gadho u afduubnaa in mudo ah kooxaha argagisada Shabaab gelinkii dambe ee Axaddii, kuwaasi oo howlo samafal ka waday Gobolka Hiiraan.

Sida uu Wakaaladad Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay  Aabaha dhalay mid kamid ah Gabdhahaasi oo ka gaabsaday magaciisa, Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa siidaayay labo kamid ah sedax Gabdhood oo u shaqaynayay Hay’adda Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalkakadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago baad ah oo gaaray min 13,000 kun oo Dollar,waxaana la haystay  muddo labo bilood.

Related posts

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025

“Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo sedex ahaa,alaxadulillah maanat ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen awal howlo samafal oo ay Gobolka kawadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax”, Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.

Gabdhahan oo ahaa 3 qof ayaa laga afduubtay Deegaanka lagu magacaabo Farlibaax oo katirsan Gobolkaasi Hiiraan, halkaasi oo ay ka wadeen howlo loogu gargaarayo dadka dhibaataysan waxaan weli maqan hal gabar taasi oo aan la ogayn waxa ay ka yeelidoonaan maleeshiyaadkaasi Shabaab.

Waalidiinta Gabdhahaasi oo ahaa dhalinyaro ayaa in muddo ah ka walaacsanaa,afduubka loo haystay gabdhahaan oo lagu hayay Deegaanka Buq-Aqable oo katirsan gobolka Hiiraan,waxaana loo diiday in ay arkaan kadib markii halkaasi ay tageen.

16kii bishii July ee tagtay ayay ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay lacago baad ah ay ku siidaayeen ilaa 7 shaqaale samafal oo u shaqeynayay Hay’adda lagu magacabo Gareedo oo ka howlgasha Gobolka Bay 4 kamid ahna ahaa haween,kuwaasi oo ay ka qafaasheen duleedka magaaladaasi.

Previous Post

Siminaar ku saabsan nidaamka dowladaha Hoose oo ka furmay Jowhar “Dhageyso”

Next Post

Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

Next Post
Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

Golaha Ammaanka e QM oo xayiraad xoogan ku soo rogay Waqooyinga Kuuriya

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

Shirka gogosha wada-tashiga Qaran oo galay maalinta labaad

June 17, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wada tashiga uu ka mid yahay tiirarka islaamka uu ku...

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

Dowladda oo sheegtay in la dilay mid ka mid ah horjoogayaashii ugu khatarsanaa khawaarijta

June 17, 2025
0

Cabaas Maxamed Hool, oo ahaa horjoogaha ugu sarreeya ee shirqoolada iyo dhagaraha ay khawaarijtu ka fuliyaan bobolka Banaadir iyo labada...

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dhameystirka dastuurka waa horutabin Qaran”

June 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu yahay horutabin Qaran.   Madaxweynaha JFS...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In