Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in ay bilaabayaan howlgallo lagu sifeynayo Al-shabaab.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in ay bilaabayaan howlgallo lagu sifeynayo Al-shabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku joogo Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada Beled-Xaawo,isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ku leeyahiin duleedka Magaalada Beled-Xaawo,halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehelinayaan Saraakiil sare oo katirsan Jubbaland iyo xubno labada gole ka socda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland, iyadoo uu Khudbad dhiiro gelin ah u jeediyay Askarta.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Mudane Axmed Madoobe wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adayga ku dayashada mudan u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo ka hor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada ka jirta wadanka,ayuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland, in Jubbaland looga baahan yahay isku tashi dhinaca amaanka ah iyo in ay sida ugu dhaw u bilaabanayaan hawlgalada Al-Shabaab lagaga xoraynayo meelaha ay  gobolka kaga sugan yihiin.

“Caasimadii Jubbaland waxaa ay wali ku jirtaa gacanta cadawga waxaa hubaal ah in Ciidanka ay tahay in ay halkaas tagaan oo ay xoreeyaan waa idinka Jarmal miyuu cirka inooga soo daadan waa maya” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay jabeen islamarkaana loo baahanyahay oo kaliya in la is raaciyo firxad kooda.

“Al-Shabaab maanta inagaa Dowlad ahaana ka xoog badan Mustaqbal ahaana idinkaa ka sharaf badan oo ka niyad wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagu jabiyay ayuu sheegay in la abaal marinayo oo ay helayaan si joogta ah xuquuqda ay leeyahiin loogana baahan yahay in ay ka qayb qaatan hawlgalada la isugu furayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in uu wakhti badan galin doono isku dubaridka Ciidamada inta uu Gobolka joogo isla markana wax badan oo wanaagsan ay qaban doonan.  

Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furey askar katirsan qeybta 21-aad ee X.D+Sawirro

Next Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo qabtay barnaamij muhiim u ah bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Heliwaa oo qabtay barnaamij muhiim u ah bulshada “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Heliwaa oo qabtay barnaamij muhiim u ah bulshada “SAWIRRO”

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In