Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo loo tababaray habka looga hortago askareenta carruurta xilliyada dagaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamo loo tababaray habka looga hortago askareenta carruurta xilliyada dagaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tababbar u soo gabo gabeeyay 60 askari oo ka tirsan ciidamada amniga dalka, kuwaasi oo la barayay hanaanka looga hortagayo askaraynta carruurta xiliyada dagaalka.

Tababbarkan oo socday labo isbuuc ayaa waxaa gabo gabadiisa ka soo qayb galay xubno ka socday ciidanka Xoogga, Booliska, ururada aan dowliga ahayn iyo xubno ka socdo maamul goboleedyada ayaa waxaa taageertay dowladda Ingriiska iyo ururka lagu magacaabo Romeo Dallaire ee ka hortagga askareenta carruurta ayagoo usoo marinayo Dalhousie University ee Canada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISMOM Francisco Madeira ayaa yiri “Waa inaan ka badbaadinaa carruurtaan in loo tababaro fikiradaha guracan ee xagjirnimada leh iyo in ay gaystaan falal dambiyeedyo ay u geysanayaan dadkooda, Dalkooda iyo Dariskooda”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay askareenta carruurta inay aad ugu badantahay Soomaaliya wuxuuna sheegay baahida loo qabo in  la helo tirada rasmiga ah ee carruuta ka dagaalamayso dalka ee ay sida qaldan uga faa’iideysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Tababarkaan oo xoogga lagu saarayay ogaanshaha ama soo saarita carruurta askarta iyo sidii looga hartagi lahaa ayaa waxay isku raaceen dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay in ay muhiim tahay carruurtaas ay hellaan dib u habeeyn iyo u dhisid.

Waxay sidoo kale madaxda sheegeen in ay u diyaarinayaan ciidanka Soomaaliya sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen hanashada dalkooda.

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Guddiga difaaca golaha shacabka iyo xubno kale oo kormeeray Bakool

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah “Dhageyso”

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah “Dhageyso”

Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah "Dhageyso"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In