Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo loo tababaray habka looga hortago askareenta carruurta xilliyada dagaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 20, 2017
in Wararka
0
Ciidamo loo tababaray habka looga hortago askareenta carruurta xilliyada dagaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tababbar u soo gabo gabeeyay 60 askari oo ka tirsan ciidamada amniga dalka, kuwaasi oo la barayay hanaanka looga hortagayo askaraynta carruurta xiliyada dagaalka.

Tababbarkan oo socday labo isbuuc ayaa waxaa gabo gabadiisa ka soo qayb galay xubno ka socday ciidanka Xoogga, Booliska, ururada aan dowliga ahayn iyo xubno ka socdo maamul goboleedyada ayaa waxaa taageertay dowladda Ingriiska iyo ururka lagu magacaabo Romeo Dallaire ee ka hortagga askareenta carruurta ayagoo usoo marinayo Dalhousie University ee Canada.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISMOM Francisco Madeira ayaa yiri “Waa inaan ka badbaadinaa carruurtaan in loo tababaro fikiradaha guracan ee xagjirnimada leh iyo in ay gaystaan falal dambiyeedyo ay u geysanayaan dadkooda, Dalkooda iyo Dariskooda”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay askareenta carruurta inay aad ugu badantahay Soomaaliya wuxuuna sheegay baahida loo qabo in  la helo tirada rasmiga ah ee carruuta ka dagaalamayso dalka ee ay sida qaldan uga faa’iideysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Tababarkaan oo xoogga lagu saarayay ogaanshaha ama soo saarita carruurta askarta iyo sidii looga hartagi lahaa ayaa waxay isku raaceen dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay in ay muhiim tahay carruurtaas ay hellaan dib u habeeyn iyo u dhisid.

Waxay sidoo kale madaxda sheegeen in ay u diyaarinayaan ciidanka Soomaaliya sidii ay ugu diyaar garoobi lahayeen hanashada dalkooda.

 

 

 

 

 

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA: Guddiga difaaca golaha shacabka iyo xubno kale oo kormeeray Bakool

Next Post

Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah “Dhageyso”

Next Post
Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah “Dhageyso”

Guddoomiyaha Degmada Waajid oo sheegay inay soo galbiyeen kolonyo gaadiid ah "Dhageyso"

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In