Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan nidaamka dowladaha Hoose oo lagu qabtay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Diiwaan galinta Musharaxiinta kuraasta aqalka hoose oo Baydhabo ka bilaabanaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Aqoon isweydaarsiga ah ee maanta ka furmay magaalada Baydhabo isla markaana socon doono muddo dhoor maalin ah ayaa waxaa ka qeybgalayaasha lagu barayey casharo la xariira baahinta maamulada Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Maamul u dhisidda Degmooyinka

Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee dowladda Fadaraalka Soomaaliy, oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed yo saraakiil ka tirsan hay’adda UNDP, iyadoo ka qeyb galayaasha la barayay hanaanka dhismaha dowladaha Hoose.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Shirka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, Wakiilo ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha heer Federaal iyo Maamul gobaleedyada, Odoyaal dhaqameedyo, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Baay iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo furay kulanka ayaa sheegay in muhiimad weyn ay u leedahay bulshada in loo dhiso maamul ay raali ku yihiin, isla markaana maamulka uu yahay mid la gaarsiinaayo meelkasta ee ay shacabku ku nool yihiin.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Fadaraalka iyo mida Koonfur Galbeed dadaalka ay ugu jiraan in ay ka hirgeliyaan deegaanada Koonfur Galbeed, maamulo shacabka u adeegaya isla markaana ku shaqeyn doona rabitaanka dadka deegaanada Koonfur Galbeed.

Previous Post

Xuska Sanad guurada 68aad ee aas aaska Jamhuuriyadda Shiinaha oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray shirkii mideynta canshuuraha Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray shirkii mideynta canshuuraha Dalka “SAWIRRO”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo xiray shirkii mideynta canshuuraha Dalka “SAWIRRO”

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In