Ilaa 3 musharax oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapols ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa u tartamaysa qabashada xilka Guddoomiyaha golaha deegaanka ee Xaafadda Soomaalida ay degto.
Minneapolis ee Gobolka Menneota ayaa waxaa ka soconaya ololaha doorashooyinka golaha deegaanka iyotan degmada,iyadoo musharixiinta ay qeyb ka yihiin ilaa 3 musharax oo matalaya Soomaalida kunool magaaladaasi.
Musharaxiinta ku tartamaya guddoomiyaha Golaha deegaanka ee xaafadda Soomaalida ay degto ee loo yaqaano Word six ayaa kala ah Maxamuud Nuur iyo Cabdi Warsame oo ka socoda Xisbiga Dimoqraadiga iyo Faadumo oo iyana ka socoda Republicanka.
Shir jaraaid oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Minneapolis guddoomiyaha Degmadaasi Haweeneyda lagu magacaabo Betsy Hoeges oo markale u taagan in dib loo doorton iyo Maxamuud Nuur oo golaha deegaanka u tartamaya ayaa si wada jir ah uga codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale in codkoodi ay ku taageeraan.
“Walaal shirka amaanta wuxuu ahaa taageero aan u muujinayno Duqa magaalada oo ah qof aaad u wanaagsan oo si weyn wax uga qabatay Soomaalida,wadashaqeyn ayaa kala dhexeysa Soomaalida,waxay ahayd in aan istaageerno wada shaqeynta, sababta waxaa weeye waxy maamushaa dhaqalaha horumarinta, go,aanka iyada ayaa iska leh wixii ay latimaada ayaa lagu ansixiyaa Golaha Deegaanka”, Ayuu yiri Maxamuud Nuur. Sidoo kale Duqa magaalada Minneapolis ayaa Betsy Hoeges ugu baaqaday Soomaalida in ay codkoodi siiyaan Maxamuud Nuur oo ka mid ah raga ugu cad cad qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Deegaanka,iayadoo balanqaaday in ay waxbadan ka qaban doonto horumarinta nolosha Soomaalida.
Dadweyne aad u farabadan ayaa isugu soo barxad weyn oo ku taala magaalada Minneapolis,kuwaasi oo taageero u muujinayay musharixiinta Soomaaliyeed ee u taagan xilka golaha deegaanka iyo Duqa degmada,iyadoo ay soconayaan ololihii doorashooyinka.
Ilaa bisha November ayaa waxaa la filayaa in ay gaarto doorashada golaha deegaanka Xaafadda ay Soomaalida degto dad gaaraya ilaaa 1500 qof ooqof ayaa ka qeyb qaadanayaa doorashadaasi.