Dowladda Qadar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay dib u cusboonsiin doonto is garab istaagga shacabiga iyo xukuumadda Soomaaliya,isla markaana ay ka go’antahay sidii gargaar bani’adanimo iyo waxqabad kale looggu fidin lahaa shacabka Somalia iyo dowladiisa.
Dowladda Qadar ayaa aad u amaantay isbedelka siyaasadda Somaaliya tan iyo intii ka danbeysay Doorashadii xukuumadda hadda ka arimisa Somaliya,waxyna rajeysay in talaabadan isbedelka ah uu noqdo mid wax weyn ka taraya sugidda amniga Somaliya, horumarinta masaalixda waddanka iyo kuwa la dagaalanka argagixisada.
Tallaabadaan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay Dowladda Qadar bayaan ka soo saartay khudbad uu fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaraamada Midoobay ka jeediyay Amiir Dhalaal C/casiis oo ah xoghayaha Sedexaad ee wafdiga joogtada ah ee Dowlada qadar ee Qaraamada Midoobay, isla markana ka tirsan khubarada qadar ee xaruunta hay’adda Xuquuqul insaanka oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva.
Sidoo kale Dowladda Qadar ayaa aad u amaantay juhdiga ay dowladda Somalia gelisay daryeelka arrimaha xuquul insaanka ee Somalia, dib u dhiska hay’ada dowladda,dhaqan gelinta qaanuunka cusub ee Somalia,abuurista guddi madax banana ee ka shaqeya arrimaha xuquul insaanka iyo dhameystirka dastuurka cusub.
Bayaankaa ka soo baxay Dowladda Qadar waxaa kaloo lagu xusay amhiyadda shirkii kol hore lagu qabtay London uu u leeyahay Somaliya siiba wadciga ay maanta ku jirto iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhaqangelintiisa, kaasoo diiradda lagu saaray dhinacyada xuquul insaanka iyo la dagaalnka argagixisada.