In ka badan 1400 caruurta rohingaha ah ayaa ka talaabay xadka dalka Bangaladesh,kuwaas oo ka cararayey xasuuqa dawladda Burma ku hayso dadka wadankaas u dhashay ee Rohingaha.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in caruurta oo inta badan ay la socdaan waalidkood ay ahaayeen ardayda u badan caruurta agoonta ah ee lagu xanaaneeyo xarumaha tabaruca ee wadankaas.
Dawladda Burma oo kaashanaysa askarta wadankeeda ayaa xasuuq aan loo aabo yeelin dadka muslinka tirada yar ee wadankaas ku haysa xasuuq xoog kasta loogu adeegsanaayo dadkaas.
Ma jirto cid ilaa hada wax warbixina ka soo saartay xasuuqa iyo dabar goynta dadkaas,wallow ay dawladdo yar oo islaami sameeyeen canbaarayn qudha,Halka UN-kuna uu u diray wadankaas kooxo xaqiiqo raadis ah.