Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ciraaq oo kooxda Daacish ka faramaroojiyay magaalada Hawija

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ciraaq oo kooxda Daacish ka faramaroojiyay magaalada Hawija
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Militariga Ciraaq ayaa la wareegay magaalada Hawija,oo ah magaaladii ugu danbeysay oo ay ku xooganaayeen Xoogaga hubeysan ee Daacish,sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Militariga Ciraaq.

Ciidamada Ciraaq ayaa shalay oo arbaca ahayd bilaabay iney ku dhaqaaqaan magaalada Koonfurta Ciraaq ku taalo ee Hawija labo maalin uun ka dib qabsashadii xarunta Ciidanka cirka ee Rashad oo 30-km dhanka koonfur ka xigta magaalada halkaasi oo ay kooxaha hubeysan u adeegsan jireen xero ay ku tababari jireen dagaalyahanada iyo keydinta saanada ciidan.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Ka hor inta aysan qabsan ciidamada Ciraaq magaalada Hawija waxay duqeyn la dhaceen fariisimo ay ku xooganaayeen Kooxda ISIL,waxaana la sheegayaa in duqeynta khasaaro xoogan ay ka soo gaartay xooggaga hubeysan inkastoo aan la xaqiijin inta ay gaarsiisan tahay.

Magaaladaan Hawija ayaa muhiim ah u ahayd Kooxda Daacish,waxana dhanka Galbeed ka xiga magaalada Saliida qaniga ku ah ee Kirkuk halka waqooyi kaga toosantahay magaalada Caasimada ah ee Baqdaad.

Kooxda Daacish ayaa ku niyad jabtay weerarkii bishii julay Ciidamada Ciraaq oo ay kaabayaan kuwa Mareynkanka ay kooxda kaga qabsadeen magaalada Mowsil oo ahayd magaalo si weyn Daacish ugu xooganeyd.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Ciraaq ee qabsaday magaalada Hawija ayaa shacabka ugu baaqay iney is dejiyaan,islamarkaana ay feejignaadaan inta uu socda howlgalka lagu ciribtirayo dagaalyahanada Argagixisada ee Daacish.

Previous Post

Maxkamad ku taala Turkiga oo xukun ku ridday dad isku dayay iney dilaan madaxweyne Erdugan

Next Post

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale (SAWIRO)

Next Post
Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale (SAWIRO)

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qodobo kale (SAWIRO)

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In