Tuesday, June 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la yeeshay Danjiraha Safaaradda Qadar ee Soomaaliya+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la yeeshay Danjiraha Safaaradda Qadar ee Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda Dalka Qadar ee Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asad, kulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda Dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa looga hadlayay qodobo dhowr ah oo ku saabsan heshiisyadii u dhexeeyay Dalka Qadar iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Mashaariicdii horumarineed ee ka dhexeeya labada dal.

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Danjiraha Dawladda Qadar ee Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad  oo aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada yeesheen Wasiir ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweyn kaddib ku yiri: “Mudane Wasiir, ka Safaarad ahaan, waxaan mar walba xoojinaa  xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaanna gacanta ku heynaa heshiisyadii dhex maray Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Qatar iyo Soomaaliya, waxaana dooneynaa in dib loosoo celiyo wada shaqeyntii guddiyada  labada dhinac ee ku howlanaa Mashaariicda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada”.

Hassan Bin Hamza Asad Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaaliya ayaa dhankiisa tilmaamay in Dawladda Qadar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac Waxuuna ku wargeliyay Wasiir ku xigeenka in uu u hayo Casuumaad uga timid Wasaaradda dhiggiisa ee shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Dalka Qadar uuna rajeynaayo in uu ka jawaabi doono Casuumaaddaas uu tagi doono caasimadda Doha ee dalka Qatar.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan aya kaga mahadceliyay Safiirka soo dhoweyntiisa diirran, sidoo kalana xusay dowrka ay ka qaadatay dowladda Qatar xaaladaha adeega ee ka jirta Dalka Soomaaliya, waxuuna u sheegay inuu salaan ka gaarsiiyo Madaxweynaha dalka Qadar waxuu kaloo u sheegay iney sii wadi doonaan wadashaqeyntii guddiga labada dhinac ee u qaabilsanaa Horumarinta Mashaariicda ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku xusay Dowladda Soomaaliya iney tahay Dowlad Halku-dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol taasoo qaadatay hannaanka wadashaqeyn ee uu lahaan jiray Dalka sida labada dal ee Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale Safiirka u sheegay iney garab ka siiyaan soo celinta dugsiyadii Farsamada ee uu Dalka lahaan jiray si loo helo Shaqaale xirfadle ah.

Previous Post

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaalya

Next Post

Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

Next Post
Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda  Kismaayo la ballaarinayo.

Maamulka Jubbaland oo sheegay in Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Kismaayo la ballaarinayo.

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In