Wednesday, June 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha cusub ee CXD oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha cusub ee CXD oo xilka si rasmi ah ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabada xil-wareejinta ah ayaa ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana goob-joog ka ahaa ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi  oo khudbad ka jeediyey xil-wareejinta ayaa ku dardaarmay in si xooggan looga qeyb-qaato dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna guula u rajeeyey taliyaha cusub ee xilka la wareegay ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey musiibadii lagu xasuuqay shacabka Soomaaliyeed ee ka dhacdey Isgoyska Zoobe, waxa uuna sheegay in tani ay tahay fariin loo diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo looga baahanyahay in ay difaacdaan dadkooda iyo dalkooda.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyey taliyihii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uu sheegay in ay u taallo howl adag oo u baahan in lagu difaaaco dalkeena cadowga dhibaatada ku hayo, waxa uu xusay in hoggaanka iyo ciidankuba ay gaarsiin doonaan meesha ay maanta joogaan meel ka sareysa, loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay si joogta ah u garab istaagaan ciidamada Xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Cabiweli Jaamac Xuseen ayaa carabka ku adkeeyey in ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ku aaddan sidii dalka inta ay ka joogaan aragagixisada Al-Shabaab looga xorreyn lahaa.

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxame Cali Xagaa ayaa munaasabadda xil-wareejinta ah ka jeediyey mahadcelin ku aadan Taliyihii hore ee Xoogga dedaalkiisii ku aaddanaa dhismaha ciidanka iyo Difaaca dalka, dhanka kale waxa uu tilmaamay in taliska cusub looga baahanyaha in ay la yimaadaan hufnaan iyo howl badan, laguna dadaallo mideynta iyo wadajirka ciidanka Xoogga dalka si dalkeenna aan uga saarno dhibaatada amni ee uu ku jiro.

Sawir Qaade:- Maxamed Muuse

 

Previous Post

Dowladda Jabuuti oo soo dirtay diyaarad sido gargaar caafimaad iyo dhaqaatiir.

Next Post

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay “DAAWO”

Next Post
Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay “DAAWO”

Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo laga jaraayo hal milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay waxyeelada soo gaartay "DAAWO"

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In