Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tababarayasha Kubadda Gacanta Soomaaliya oo tababbar uga furmay Dalka Djibouti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha
0
Tababarayasha Kubadda Gacanta Soomaaliya oo tababbar uga furmay Dalka Djibouti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Magaalada Djibouti  si rasmi ah uga furmay tababarka tababarayaasha kubadda Gacanta  darajada Koowaad ( Hanball Technical  Course Level 1, waxaa tababarkan oo ay  soo qaban qaabiyay  Guddiga  Olombika Somaaliyeed  oo kashanaya Olympic Solidarity waxaana tababarkan bixinaya  Xiriirka kubadda Gacanta Adduunka   (IHF) waxaana ka qeyb galaya  15 Macalin.

Xafladda  Furitaanka oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa kasoo qeyb galay  masuuliyiin ka kala  socotay Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti, Guddiga Olombikada  Djibouti ,Guddiga Olombikada Soomaaliya  , Xiriirada kubadda Cagta iyo Cagta Djabouti  , iyo XSKG, waxaana ugu horreyn goobta ka hadlay Guddoomiyaha XSKG ahna Xubin ka tirsan  Guddiga Fulinta  ee GOS  Mudane Maxamed  Xuurshe  Xasan ( Eenoow) waxuuna sheegay  in tababarkan uu qeyb ka yahay qorshaha Horumarinta  GOS ay  ugu talo gashay Xiriirada kale  gedisan ee dalka.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Guddoomiye  Eenoow  ayaa dhanka kale tilmaamay in  Ujeedka tababarkan uu yahay sidi  sare loogu qaadi lahaa aqoonta  macallimiinta  kubadda Gacanta dalka si ay  usoo saaraan kooxo tayo leh, sida heerarka Iskuulada, Degmooyinka iyo gobollada dalka, waxuuna mahad celin u jeediyay   Olympic Solidarity , IOC, IHF iyo dowladda iyo bahda isboortiga  Djabouti   sida ay markakasta  ugu taagan yihiin horumarinta isboortiga Soomaaliyeed, waxuuna  Macalimiinta kula dardaarmay  in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan mudada 10 cihso ah ee uu tabaarkan soconayo.

Guddoomiyaha ayaa  sidoo kale si gaar ah ugu mahad celiyay  Dowladda iyo shacabka  Djibouti gogosha dhanka kasta ah oo ay   Soomaaliya u fidiyeen 27 sano ee lasoo dhaafay gaar ahaan Isboortiga oo la’aanta Djibouti aysan waxbadan u qabsoomi laheyn Isboortiga Soomaaliya.

Macalinka tababarkan Bixinaya oo u dhashay  dalka Masar  Effat Rashat  ayaa  dhankiisa  sheegay   in  xiriirka kubadda gacanta  Adduunka  International Handball Federation ( IHF ) ay ka go’an tahay tayaynta macallinmiinta   kubadda Gacanta dunida,  isla markaana uu diyaar u yahay inuu si hagar la’aan ah aqoontiisa usoo gaarsiiyo , waxuuna  ka qeyb galayaasha   kula dardaarmay  in ay si hufan uga faa’iideystaan tababarka.

Masuuliyiinta , Safaaradda   Soomaaliyeed , Guddiga Olombikada Djabouti, iyo xiriirka kubadda Cagta  Djabouti ayaa  ammaan usoo jeediyay Guddiga  Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa sida dardarta ku jirta oo ay ugu taagan yihiin  tayaynta iyo sare u qaadida Isboortiga Soomaaliyeed  dalka Djboutina uu makasto yahay dalkoodi labaad.

Tababarkan oo ka mid ah Qorshaha Horumarinta GOS   ayaa socon doona 10 Cisho waxaana lagu baran doonaa  sharcidya iyo xirfadaha kusoo kordhay ciyaarta kubadda Gacanta  Addunka.

  W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Waaxda Warfaafinta GOS

 Djibouti

Email: [email protected]


 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo qaabilay wafdi uu soo gurmaday shacabka oo ka yimid Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Sudan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

Next Post
Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Sudan oo furtay buugga Tacsida Qaran “SAWIRRO”

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Sudan oo furtay buugga Tacsida Qaran "SAWIRRO"

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In