Dhalinyaradan ayaa darreenka Murugada ah la qeybsanayey Ehelada dadkii ku nafwaayey Qaraxaasi, waxaana arkay qaar la ilmeynaya Waalidiin Caruurtoodii ku Waayey Musiibadda, iyaggoo ugu laab qaboojinayey in ay sabraan oo alle ay weydiistaan Badal kheyr qaba.
Qaar kamid ah Dhalinyaradaasi ayaa lacago ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran, si loogu gargaaro dadkii Waxyeelada ay soo gaartay, qaar kood oo aan la hadlayna waxay ii sheegeyn in ay diyaar u yihiin in si hagar la’aan ah dadka iyo dalka ay ugu addeegaan, ayna diyaar u yihiin in Naftooda ay ku waayaan u qidmeynta Qaranka.
“Waa in aan u noolaanaa sida Libaaxa oo kale, maaha in aan fiirsano Koox yar oo itaal daran oo dadkeena Maalin walba ay xasuuqaan, wixii maanta ka biloowda aan diyaar u noqono in aan Cadowga arxanka darran aan ka xoreyno Dalkeena” Mid kamid ah dhalinyaraddii aan la kulmay ayaa sidaasi igu yiri.