Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyayaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka kuwaasi oo muujiyay dareenkooda ku aaaddan mashaqadii 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho.
Waxaa ka mid ah madaxda khadka telefoonka kula soo xiriirtay.Madaxweynaha Dalka Turkiga, Suudaan. Ra’iisul Wasaarayaasha Itoobiya iyo Swedan, waxaa sidoo kale madaxweynaha uu helay dhambaallo tacsi ah, oo ka kala yimid Xoghayaha guud ee Q.M. Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka iyo kan Ingiriiska.
Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeybsanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.