Saturday, May 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Marekanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka Soomaalida ee ku yaalla Kuala Lumpur (SAWIRRO)

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Safiirka Marekanka ee Malaysia oo booqatay iskuulka Soomaalida ee ku yaalla Kuala Lumpur (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Marekanka u fadhiya dalka Malaysia, Kamala Shirin Lakhdhir ayaa booqashadii ugu horeysay ku tagtay iskuulka Soomaalida (Somali Community School) oo ay wax ku bartaan ku dhawaad 218 ardey oo Soomaali ah.

Dugsigan oo waxbarashada aasaasiga ah ee ka billaabata xanaannada carruurta ilaa fasalka sagaalaad ay ardeydu ku qaataan, wuxuu ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan-tahay ee Gombak oo ka tirsan magaalada Kuala Lumpur ee caasimada Malaysia.

Related posts

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

May 2, 2026
Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Danjire Kamala Shirin, ayaa inta ay booqashada ku jirtay waxaa ay kormeertay qaybaha uu iskuulka ka koobanyahay, bilowgii horaba waxaa ay ka tacsiyeesey qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay caddeysay inay ka xuntahay qaraxaas.

Ardeyda wax ka barata iskuulka, ayay fursad u siisey inay su’aallo waydiiyaan, waxaana ay warbixin ka siiyeen xaaladda iskuulka iyo baahiyaha uu qaba, danjiraha waxay muujisay inay ku faraxsantahay booqashada ay ku tagtay iskuulka bulshada Soomaalida, iyadoo marka xaqiijisay inay mar kale soo booqan doonto.

“Danjiraha waxay sheegtay inay waxbadan ka caawineyso iskuulka, waxaa ugu weyn ee ay noo sheegtay inay fasal cusub ku soo kordhin doonto iskuulka.” ayuu yiri Cabdifitaax Maxamed Cabdulle oo ah aas aasaha iskuulka bulshada Soomaaliyeed oo hadalkiisa ku daray, “Waan uga mahadcelinay booqashada, ardeyda iyo macallimiinta ayaana halkan ku soo dhaweeyay.”

Dugsiga waxbarashada aas aasiga ah ee bulshada Soomaalida Malaysia ardeyda ayaa sidoo kale ku qaadata casharo diini ah, wuxuu shaqeynayay tan iyo sannadkii 2011 marka oo ardeydii ugu horreeysay waxbarashada loo billaabay – muddada ku dhawaad afar kun oo ardey  Soomaali ah ayaa ka faa’iideysatay, kuwaaso hadda wax ka barta dugsiyada sare ee Malaysia, sida u SONNA u sheegay aasaasaha iskuulka, Cabdifitaax Maxamed Cabdulle.

 

Iman Mohamed Jama

Email: [email protected]

Kuala Lumpur , Malaysia

 

Previous Post

Waddada Soobe oo dib uga bilaabatay isu socodka dadka iyo gaadiidka

Next Post

Gaalkacyo: Barakacayaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

Next Post
War-Saxafadeed laga soo saaray Wadahadallada Nabadeed ee ka socda Gaalkacyo+Akhriso

Gaalkacyo: Barakacayaal la gaarsiiyay lacag iyo agab kale

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

Soomaaliya oo gashay wejiga tijaabada ee Nidaamka Xisaab-xirka iyo Lacag-bixinta Gaadiidka Cirka

May 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa si rasmi ah u shaaciyay in...

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In