Wednesday, September 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mid kamid ah Dhacdooyinkii ugu Xanuunka badnaa ee laga Dhaxlay Qaraxii Soobe (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 24, 2017
in Wararka
0
Mid kamid ah Dhacdooyinkii ugu Xanuunka badnaa ee laga Dhaxlay Qaraxii Soobe (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ma yara Murugada iyo xanuunka uu reebay qaraxii xooganaa ee 14-kii bishan ka dhacay Isgooska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxaa qaraxaasi noloshooda ku waayay dad ku dhaw 400-qof oon qaarkood la helin hilbahooda.

Qaraxan ayaa xanuun badan ku reebay qoysas badan oo Soomaaliyeed, marka laga soo tago xanuunka iyo murugada uu reebay qaraxan ayaa hadana ahaa mid dadkii uu dhibku kasoo gaaray xanuunka uu u kala duwanaa.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025

Allah u naxariistee Cabdilaahi Maxamuud Siyaad (Yariisow) waxa uu kamid ahaa dadkii faraha badnaa ee ku dhintay qaraxii Soobe, aabahan waxa uu ahaa nin ka xoogsan jiray dalaalnimo gaar ahaan waxa uu dalaal ka ahaa Geella lagu iibiyo Afgooye.

Cabdulaahi Yariisow ayaa dhimashadiisa aheyd mid aad u xanuun badan, waxaa xusid mudan in xitaa aan la helin hilbihiisa iyadoona ugu dambeyn eheladiisa markii ay meel walbo ka waayeen iska quustay una xisaabiyay geeri.

Naxtinta geeridiisa reebtay Marxuunkan ma aheyn mid aad u yar, waxa uuna ifka kaga tagay 30-Caruur ah uu dhalay una badan kuwa aad u yar yar oon qaangaarin iyo Waliba 4-xaas oo labo kamid ah Xaamilo yihiin halka mid kalana ay wali Umul ku jirto.

Waxaana maanta ku booqday 27-kamid ah caruurtii uu ka dhintay C.Laahi Yariisow Xaafada Raadeelka ee Degmada Dayniile, waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa afar kamid ah xaasiiskii uu ka geeriyooday iyo waliba kuwa ay kala tageen oo iyana caruur kala duwan u hayay.

Caruurta qaarkood aan la hadlay murugu badan ayaa wajiyooda ka muuqatay, qaarkood wayba ku adkeyn in ay hadlaan ilmo ayaana indhahooda ka socotay, waxaana caruurta qaarkood iyaga uu hadalku dhibayay sheegeen in ay dareemayaan xanuun badan kadib geeridii aabahood oo noloshooda gacanta ku hayay.

Ma jirin wax hanti ah uu ka dhintay Allaha u Naxariistee C/Laahi Yariisow, waxa uuna subax kasta u kalihi jiray sidii dabkooda uusan u dami laheyn 30-ka caruurta ah uu dhalay iyo hooyooyinkooda, caruurta ayaana isugu jira kuwa iskuulo dhigta iyo kuwa dugsiga Quraanka dhigta.

Caruurta Aabahan Soomaaliyeed ka dhintay hada qaarkood iskuulkii iyo Dugsigii wey isaga hareen, waayo ma heestaan cid damaanad qaaday oo ka bixineysa lacagta laga rabo, waxa ayna maanta dareemayaan xanuunka agoonimadu leedahay aysan horey u aqoon.

Maxamed Maxmuud Siyaad (Dhagaweyne) oo la dhashay Marxuunka geeriyooday ayaa ii sheegay in ay dareemayaan murugo aad u badan oo ka dhalatay geerida walaalkis, waxa uu sheegay in Walaalkii uu gacanta ku hayay nafaqeynta 30-caruur ah uu dhalay iyo sideed hooyo uu afar kamid ah qabay kuwa kalana kala tageen.

Waxa uu ugu baaqay Dowlada Soomaaliya iyo guud ahaan Umada Soomaaliyeed in ay garab siiyaan caruurtan agoonta ah uu ka dhintay Aabihii u xamaali jiray, waxa uuna tilmaamay in walaalkiis culees badan hayay balse maanta qadartii eebe ku timid kuna samrayaan.

Qaraxii Soobe ayaa indhaha ka riday qoysas badan oo Soomaaliyeed, waxa uuna qaraxan ahaa kii ugu xanuunka badnaa ee ka dhaca Soomaaliya ee galafta nolosha boqolaal qof oo masakaiin ah, qaraxan ayaana ahaa mid si weyn looga dareemay meelo badan .

 

Hadaba Cidii dooneysa ilmaha agoonta ah u gar gaaraan hakala xariiraan

Maxamed Maxamuud Siyaad (Dhagaweyne)

Tell 252615507901

Ama Nadiifo Daahir Iidow

Tell: 252615980134

W/Q Wariyaha Arimaha Bulshada Gacal Ayman

 

Previous Post

Madaxweyne C/weli Gaas”Waan soo dhaweynaynaa casuumaadii uu noo fidayay madaxweynaha Soomaaliya”

Next Post

Gadiidka Dabdamiska Magaaladda Boosaaso oo ku howlan daminta dab ka kacay gudaha Magaalada Boosaaso.

Next Post
Gadiidka Dabdamiska  Magaaladda Boosaaso oo ku howlan daminta dab ka kacay gudaha Magaalada Boosaaso.

Gadiidka Dabdamiska Magaaladda Boosaaso oo ku howlan daminta dab ka kacay gudaha Magaalada Boosaaso.

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hey'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid...

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

September 10, 2025
0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

September 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha...

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

September 10, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo miro dhal ah kula yeeshay magaalada Addis-ababa Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In