Deeqdan lacagta ah ee ay maanta Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center ay gaarsiiyeen qaar ka mid ah qoysaskii ay eheladooda ku dhinteen qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho ayaa ah kaalmo lacageed oo ay iska soo uruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Norway, oo ay hormuud u ahaayeen Xaawo Geelis Maxamuud iyo Khadiijo Salaad Warsame oo u wakiishay Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center inay gaarsiiyaan dadka loogu tagalay.
9 qoys oo ka mid ah qoysaskii ay eheladooda ku dhiteen qaraxii Soobe ayaa la gaarsiiyay min labo boqol oo doolar, halka labo qoys oo kale oo dhibaateysan la guddoonsiiyay min boqol, iyadoo qoyska lacagta loogu geeyay Hoygooda.
Salaado Xasan Cumar waa Hooyo heysata toban carruur ah oo uu ka dhintay Aabahood oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Buraale) waxa ay ka mahacelisay deeqda lacageed ee la soo gaarsiiyay.
Faadumo Xuseen Cali waxa ay heystaa labo carruur ah, oo ay kula nooleyd duleedka magaalada Jowhar, waxaana qaraxa ku geeriyooday seeygeeda oo la oran jiray Marxuum Cabdi Ciise Cali kaasi oo ka ganacsanjiray cadayga, waxaana ay ka midtahay qoysaskii maanta loo qeybiyay min labo boqol oo dollar.
Qadiijo Colow Salaad waa Hooyo heysata ilmo agoon ah, waxaana ka geeriyooday seygeeda oo bajaajle ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Marxuum Liibaan Cabdi Maxamed.
Ismahaan Cabdiraxmaan Axmed waxa ay heysataa afar carruur ah oo uu aabahood ka mid ahaa dadkii lagu waayay meydadkooda qaraxii Zoobe.
Qadro Carab Cabdi waxa ay qaraxii Zoobe ku weysay seygeeda oo lagu magacaabi jiray Marxuum Cabdirashiid Mukhtaar Sheekh, waxaana ay heystaa carruur agoon ah, hadana waxa ay leedahay Uur.
Muxubo Cabdi Cismaan waxa qaraxa uga geeriyooday afar gabdhood oo labo ka mid ah ay ahaayeen Walaalaheed, midna habar yarteed ayaa dhashay oo waxa ay ahaayeen ilmo habreed, halka midda afaraad uu qabay walaalkeed, iyadoo gabdhaha geeriyooday ay midkood ka tegtay canug ay umusha kula jirtay.
Aabe Cumar Xaaji Maxamed waa aabe aan dhameystirneyn lixaadiisa, waxaana uu qaraxu ku waayay labo qof oo kala ah wiil iyo gabar, kuwaasi oo ka shaqeynayay goob ganacsi uu ku lahaa afaafka hore ee bisha cas Soobe, waxaana uu Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway uga mahadceliyay deeqda lacageed ee ay maanta soo gaarsiiyeen.
Deeqda lacagta ah ayaa la guddoonsiiyay ilaa iyo sagaal qoys oo ka mid ah kuwii ay saameynta ku reebtay musiibadii 14-kii bishan ka dhacay Muqdisho iyo labo qoys oo kale ku tabaaleysnaa magaalada.
Maxamed Muxiyadiin Cabdullaahi oo ah Guddoomiyaha Ururka Dhallinyarada Milk way Community Center ayaa sheegay in kaalmada lacageed ee loo soo dhiibay ay gaareysay 2,000 (labo kun) oo dollar, taasi oo 18- boqol oo ka mid ah loogu talagalay sagaal qoys halka labada boqol oo kale la guddoonsiiyay gabar heysatay shan carruur ah oo aabahood kal hore uu ka geeriyooday iyo Aabe tabaaleysanaa oo heystay carruur ay kaga geeriyootay Hooyadood.
Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center ayaa sheegay in kaalmo tan la mid ah ay gaarsiin doonaan dadka aan maanta nasiibka u yeelan deeqda lacageed ee ay qeybiyeen.
Mohamed Moallim Hassan White-ka