Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Siyaarada Sheekh Yuusuf oo lagu qabtay Xeraale

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 27, 2017
in Wararka
0
Nabadoono ku baaqay in la joojiyo dagaalka Xeraale.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Xeraale iyo Wasiiro ka tirsan Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay siyaaradii Sheekh Yuusuf oo sanadkaan lagu dhigay magaalada Xeraale.

Sanad waliba waqtigan oo kale ayaa la xasusaa Sheekha, waxaana uu ku aasan yahay tuulada Huurshe oo ka mid ah deegaanada ku yaala waqooyiga Gobolka Galgaduud, ammaanka guud ee magaalada Xeraale iyo deegaanada ku dhaw ayaa aad loo adkeeyay si loo ilaaliyo Nabadgelyada goobta siyaarada iyo marti sharaf kala duwan oo u yimid magaalada ka qayb galka Xuska siyaarada Sheekh Yuusuf oo kamid ahaa (AUN) Mashaa’ikhda culimada Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Sanadkan waxaa dadka degan Xeraale ay ku siyaaranayaan sheekhooda goobta oo ah gudaha magaalada Xeraale waxaana sabata kaliftay in lagu dhigo xeraale oo aan la tagin goobtii hore ee Huurshe ka hadlay Gudoomiyaha magaalada Xeraale Bashiir Daahir Yaasiin oo tilmaamay in xaruntii hore ee Sheekh ay iminka ku suganyihiin dhagar qabayaasha Al-Shabaab, waxaana u guddoomiyaha bulshada ka dalbaday inay sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sheekh Maxamed Sheekh Cabinaasir Sheekh Yuusuf oo ka mid ah Awlaaddii Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Maxamed Maxamuud iyo Nabadoon Cabdulle Macalin Ibraahin ayaa uga mahadceliyay dadka soo qayb galay siyaarada  Sheekha.

Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada  Mahad Maxamuud Cali iyo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Galmudug Mursal Cabdiraxmaan Axmed oo ka hadlay gababadii siyaarada ayaa  ku baaqay in laga shaqeeyo Nabadda .

 

 

Previous Post

Ururka Dhallinyarada Milk-way Community Center oo deeq lacageed gaarsiiyay qoysaskii eheladooda ku dhinteen qaraxii Soobe “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In