Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaalida ee South Africa ayaa ka qeybgalay barnaamij hido iyo dhaqan ah oo lagu qabtay South Afria.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ardayda Soomaalida ee South Africa ayaa ka qeybgalay barnaamij hido iyo dhaqan ah oo lagu qabtay South Afria.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
Waa barnaamij hido iyo dhaqan ah oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaa ka  mid ahaa ardayda Soomaalida ee jaamacadaasi wax ka barta.
Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hidaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan leeyihiin,dharka dhaqanka oo ay xertaan ,cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay.
Dhalinyarada ka socotay in ay soo bandhigaan hidaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa goobta soo galay waxaana durbadiiba is qabsaday sawan iyo sacab muujinayay in lagu soo dhaweynayo kooxda soo gashay masraxa waxaa ay ahaayeen afar wiil iyo afar  gabdhood   oo kusoo labistay dharka iyo hidaha dhaqanka Soomaalida kadibna waxaa ay halkaasi kusoo bandhigeen cayaaro iyo hido dhaqan ah.
Inta aysan garoonka soo galin waxaa maqr qura loo aamusay in lagu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay qaraxii waxuushnimada ahaa ee kooxda shabaabku ku gumaadeen shacabka Masaakiinta ahaa 14-kii bishaan isgoyska Zoobe.
Suldaan Ibraahim qaxwo waa muwaadin Somaali ah oo inta badan xil iska saaray ilaalinta dhaqanka Soomaalida kaalin weyna ka qaata marka timaado barnaamijyada noocaan oo kale Radio muqdisho waxaa uu u sheegay cunooyinka ay soo bandhigeen maanta ay aad u jecleysteen dad waynahii kasoo qeybgalay isla markaana la dhameystay.
Markii ay soo dhamaatay cayaarta ayaa guddiga garsoorka ee qiimaynayay dhaqamada kala duwan kooxaha soo bandhigayay waxaa ku dhawaaqeen natiijada cayaarta waxaana Soomaaliya ay soo gashay kaalinta labaad.
Waxaa Sido Kale Soomaaliya ay  kaalmo ugu horeeya ka heshay qurxinta iyo diyaarinta waxaa ay ka haleen kaalinta kowaad,cayaarta ay soo bandhigeeen kaalinta labaad halka sido kale kaalinta labaad ay ka galeen dharka iyo hidaha iyo dhaqanka.
Links-ka Muuqaalka halkaan kala daga:

Cabdullahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa.

Previous Post

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo sheegay in dib loo furayo wadooyinka xiran

Next Post

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladd Goboleedyadda oo Maanta Muqdisho ka furmayo.

Next Post
Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya oo saaka laga ciidayo

Shirka Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowladd Goboleedyadda oo Maanta Muqdisho ka furmayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In