Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta Xildhibaanada Golaha shacabka hortagay, isagoo ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay.
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo Dakhliga Maaliyadeed ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, waxaana uu xusay in uu xoojinayo Maaliyada iyo maamulkeeda wax badanna uu kabadali doonno habka Maaliyadda Dalka.
“Shircigaan waa Sharciga haggi doonna Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada, waxuu sharcigan xoojinayaa Maaliyadda iyo Maamulkeeda, waxuu qeexayaa Awoodaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Masuuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa” ayuu yiri Wasiir Beyle