Iyadoo lasoo gaba gabagabeeyay wajiga koowaad ee gargaarka deg dega ah, ayaa waxaa maanta deeq lacageed loo qeybiyay dad gaarayo 50 qof, Kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Nuur Baarud gurxan oo ka hadlay gooobta gargaarka lagu qeybinayey, ayaa waxay sheegeen in masiibadan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ay wada dareemayaan, loona baahnayahay in la sabro oo ALLE la weydiisto Nimcooyinkiisa.
Qaar ka mid ah dadkii Deeqda la gaarsiyay, ayaa ugu mahad celiyay Guddiga Gurmad Qaran iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay Ololaha Gurmadka.
Guddoomiyaha Guddiga Gurmad Qaran, Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo gabagabadii ka hadlay halkaasi, ayaa faafaain ka bixiyay howlaha gurmadka ah ee ay wadaan, waxuuna sheegay in uu soo dhamaaday gargaarka deg dega ah Wajigiisa koowaad, ayna bilaabi doonaan wajiga labaad,