Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xalay Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Dowladda Dhexe Ku Matala Hirshabelle “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabelle oo Xalay Kulan Casho Sharaf Ah Laqaatay Xildhibaanada Dowladda Dhexe Ku Matala Hirshabelle “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaliya.

Kulanka Casha sharaftaasi oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa ku wehlinayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Related posts

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026

Marki si wada jir ah ay u wada casheeyeen Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Deegaanada Hirshabelle ee xalay kulanka wada qaatay, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah.

Inta kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dalka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan deegaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u midoobaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabadaha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Sidoo kale Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qaran oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumrinta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

—-Dhamaad—–
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

Previous Post

Akhriso Warbixin: Awooda DFS iyo Tabaryarida Al shabaab

Next Post

DAAWO SAWIRRADA: kulankii Wadatashiga ah ee looga hadlayay horumarinta Warbaahinta dalka oo lagu qabgay Wasaaradda Warfaafinta

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: kulankii Wadatashiga ah ee looga hadlayay horumarinta Warbaahinta dalka oo lagu qabgay Wasaaradda Warfaafinta

DAAWO SAWIRRADA: kulankii Wadatashiga ah ee looga hadlayay horumarinta Warbaahinta dalka oo lagu qabgay Wasaaradda Warfaafinta

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiye Sacdiyo oo kormeertay goobta loo diyaariyey in maalinta berri ah lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

August 9, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo...

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

Warbaahinta Qaranka oo abaalmarisay tartamayaashii ku guuleystay tartankii Ramadaanka

August 9, 2026
0

Maamulka Warbaahinta Qaranka ayaa abaalmarin lacageed guddoonsiiyay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Abdisalam Ali, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan...

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In