Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday horjoogihii Daacish ee Soomaaliya oo ku sugan Buuralayda Galgala ee Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in hoggaamiyihii kooxda Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin inuu ka badbaaday weerarkii ay Jimcihii Maraykanku u qaadeen buuralayda Gobolka Bari tasi oo isaga lagu bartilmaameedsanayay.
Xogo ay heleen hayโadaha ammaanka Puntland ayaa ku sheegay Madaxweynaha Puntland ย in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Cabdulqaadir Muumin,iyo maleeshiyaad uu hoggaamiyo kuwaasi oo ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Gobolka Bari.
C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ย soo dhaweeynayay beegsiga lagu hayo kooxda Daacish, isaga oo sidoo kale tilmaamay Daacish in ay yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed,loona baahanyahay in la iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada.
Xigasho VOA