Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika, iyadoo ay ka qeybgaleenย Ganacsatada Soomaalida qaar ka mid Gobolada ay Soomaalida u badantahay ee Dalkaasi
Kulankan oo ahaa kii labaad oo ay Safaaradda u qabato qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ayaa loogu hadlayay sidii loo hormarin lahaa ganacsiga Soomaalida iyo sida loo dhisi lahaa Madal ay ku mideysanyihiin Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo ay Safaaradda ย ka caawinayso xagga Sharciyada Dalka si loogu midoobo dhibaatooyinka u badan dilalka iyo dhaca ee Soomaalida kala kulmaan burcadda K/Afrikanka.
Qaar ka mid ah Ganacsatada oo ka hadlay madasha ayaa sheegay tallaabadan lagu mideynayo ay tahay mid loo baahanyahay si loo hormariyo ganacsiga Soomaalida oo sanadihii dambe sii yaraanayay,kadib markii ay Soomaali badan dib ugu laabteen dalka qaar kalana ย ay barakaceen.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrika Koonfuureed, Jamal Barrow oo shir Guddoominayay kulanka ayaa sheegay hadii la helo isku duubni ay Safaaraddu ka caawin karto waxyaabah loogu baahdo Dowladda K/Afrika.
โ Hadii aan midobno waxaan ku gorgortami karnaa cududeena Shirkadaha dalka ka jiro taas ayaa waxaa ka mid ah waxyaabaha aan u dhiiragalinayno inaad noqotaan hal madal waxaana jira Shirkado badeeco siin karo Ganacsatada,waxaa kale keeni karnaa halkaan maalgaliyaasha Soomaaliya jooga halkaanโ ayuu yiri Safiir Jamal Barrow.
Todobaadyada soo socda ayay Madaxda Safaaradda u socdaali doonaan Gobolada Soomaalida ka deganyihiin K/Afrika si loo helo fikirado kala duwan kuwaas oo ugu dambeyntii mideyn kara Ganacsatada Soomaalida K/Afrika oo hada kala qoqoban si ay ugu midoobaan dhibaatooyinka iyo barakicinta joogtada ah.