Sunday, July 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta oo kulan la qaatay Imaamyada masaajidda Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta ayaa maanta kulan u qabatay Imaamyada Masaajidda ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaarada Arrimaha Diinta iyo Awaqaafta, xoghayaha joogatada ah ee wasaaraddaasi iyo agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqqanka sharaceeda islaamka, iyadoo looga hadlay la dagaallanka argagaxisada iyo dhaqan xumada oo waayadan ku soo badanaysay dalka.

Related posts

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

July 19, 2026
Hoggamiye Aadan Madoobe oo daahfuray Mashruuca Bulsho

Hoggamiye Aadan Madoobe oo daahfuray Mashruuca Bulsho

July 19, 2026

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradaasi Sheekh Maxamed Qeyroow Aadan ayaa sheegay in wasaaraddu aysan ogolaan doonin meelaha lagu iibiyo wax yaabahan maanka dooriye oo dhaqan xumada sababa, isagoo xusay in arrintaasi loo kaashandoono laamaha amaanka.

“Wasaaraddu waxay uga digeysaa mujtamaca Soomaaliyeed isticmaalka wax yaabaha maanka dooriya laamaha amaanka ayaana ka hortagidoona arrintaasi waxaana loo baahanyahay in laga suuliyo munkarka bulshada Soomaaliyeed waana ka wacyi galinaynaa mar warbo” ayuu yiri SHeekh Maxamed Kheyroow

Wasiirka wasaaraddaasi Cabdulaahi Cali ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihin boqolkiiba boqol dad islaam ah loona baahanayahay in layska kaashado waxii ummadda lagu bad baadinkaro  isagoo tibaaxay in wasaaraddu ay kaalin waangsan ka qaadaneyso.

“Dadkaan laynaayo dadka aan waxba galabsan haddane sheeganaayo islaam iyo dhaqamadaan xun xun dhamaan waxyaabahan jira waa wax dhalan rog ah sidaan uga hortagi laheyn loo baahanyahay in laga fikiro ” Sidaasi waxaa yiri wasiirka wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta xukuumadda F. Soomaaliya.

Previous Post

Daawo Sawirrada Ra’iisul wasaare Kheyrre oo gaaray Magaalada Baraawe

Next Post

Akhriso: Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo qaadanaya Saraakiil Cusub oo dhalinyaro ah

Next Post
Akhriso: Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo qaadanaya Saraakiil Cusub oo dhalinyaro ah

Akhriso: Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo qaadanaya Saraakiil Cusub oo dhalinyaro ah

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

July 19, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa isaga iyo Agaasimaha Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda...

Hoggamiye Aadan Madoobe oo daahfuray Mashruuca Bulsho

Hoggamiye Aadan Madoobe oo daahfuray Mashruuca Bulsho

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u...

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

July 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyey in 1-da Agoosto la furi...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

July 19, 2026
0

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku baaqay in dunidu ka faa’iidaysato fursadaha uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In