Sunday, April 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay adkeynta nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu soo qaban qaabiyay urur Goboleedka IGAD xafiiskiisa Soomaaliya ayaa maanta la soo gaba gabeeyay iyadoo shirkaasi diiradda lagu saarayay ,fulinta heshiisyadii dhinaca nabadda ee ay dhawaan wada gaareen dhinacyada Puntiland iyo Galmudug ,adkeynta xabbad joojinta iyo dhismaha nabadda.

kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Gudoomiyahaasha Gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug ,xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xubnaha guddi isku dhaf ah oo hore loo magacaabay si ay uga shaqeeyaan nabadda Gaalakacyo iyo Mas’uuliyiinta IGAD oo iyagu kulanka soo qaban qaabiyay.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026

Aragtiyo kala duwan iyo talooyin dhaxalgal ah oo ku saabsan ilaalinta iyo wadajirka buslahada Gaalkacyo ayaa kulanka leysuku dhaafsaday iyadoo dhinacyada ay wada qireen sida loogu baahan yahay wada daganaashaha dadka degaanka.

Mas’uuliyintii ka socotay dhanka dowladda federaalka ah,maamulada Galmudug iyo Puntilnad ayaa isku afgartay in si dhow ay uga wada shaqeeyaan si wax looga qabto baahiyaha dhanka bani’aadannimada ah iyo dhanka dhaqaalaha ee kajira degaanka.

Urur goboleedka IGAD ayaa ugu dambeyn ugu baaqay dhinacyada Puntiland iyo Galmudug inay awood dheeraad ah siiyaan Guddiga isku dhafka ah ee hore loo magacabay si ay si ay xal kama dambeys ah ugu helaan muranka Gaalkacyo  iyadoo IGAD uga mahadcelisay beesha caalamka uga mahadcelisay sida ay uga qeyb qaateen dajinta xiisadihii kajiray magaalada Gaalkacyo iyo sida ay uga go’an tahay xal u ehlista murankaasi oo noqoday mid soo laa laabtay.

Previous Post

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed oo Deeq sahay ah ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka XDS

Next Post

R/wasaare Khayrre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Baraawe+Sawirro

Next Post
R/wasaare Khayrre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Baraawe+Sawirro

R/wasaare Khayrre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Baraawe+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baydhaba

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqday fariisimaha hore ee gobolka Bakool

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL):-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin...

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

Wasaaradda Hawlaha Guud oo wadda dadaallo guriyayn loogu samaynayo dadka danyarta ah iyo barakacayaasha

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KENYA):-Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Soomaaliya ayaa kulan ku qabatay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, kaas oo ay la...

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

Ehelada dhalinyaro ku geeriyooday badda u dhexaysa Algeria iyo Spain oo la baadi-goobayo

April 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku geeriyoodeen badda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In