Wafdig uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay halkaasi oo ay ka socoto qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raiisul Wasare Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi kula soo kulmi doono madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed,waxaa sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo saraakiisha iyo ciidanka Xoogga Dalka oo kusugan deegaanadaasi
Waxaa magaalada Baydhabo ka soconaysaa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo halkaasi uu ku tagayo.
Ammaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeyeey waxaana la arkayaa ciidamo aad u farabadan oo howlgalo ka sameynyaa gudaha iyo daafaha Magaalada Baydhabo.
Raiisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore waxaa uu tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose,halkaasi oo uu ka dhagax dhigay dhismaha Garoon diyaaradeed oo halkaasi laga hirgelinayo.