Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 22 Nofeembar 2017 – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ay siminaar labo maalmood socon doona u qaban-qaabisay xubnaha ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya, kaas oo ku aaddan sida loo kobcin lahaa haweenka lana taageerro ku darista haweenka arrimaha goobta shaqada.

Tababarka la siinayo ugu yaraan 32 shakshi oo ka mid ah shaqaalaha qaybta amniga oo ka kala socda Dowladda Federaalka ah iyo xubnaha federaalka ayaa waxaa gacan ka geysanaya Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

Danjire Francisco Caetano Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee u fadhiya Soomaaliya ayaa xilli uu furayay siminaarka ka dhacaya caasimadda sheegay in tababarka uu waafajin doono ciidamada ammaanka ee Soomaaliya qaab-dhismeedyada ka jira caalamka iyo gobolka oo ay dhiseen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

โ€œQaraarka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee caddadkiisu yahay 2372 ee (ku darista) waajibaadka cusub ee AMISOM, waxaa uu xoogga saaraya dhowrista isla-xisaabtanka, in la helo ciidamo amni oo lala xisaabtami karo kuwaas oo u hooggaansan waajibaadyada caalamiga, gaar ahaan dhinaca Xeerka Caalamiga ah ee Baniโ€™aaddinimada iyo Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. Ilaalinta haweenka iyo sinnaanta jinsiga waa muhiim,โ€ ayuu hadalkiisa ku yiri Danjire Madeira.

Tababarka oo laga bilaabi doono maamul goboleedyada waxaa uu qayb ka yahay mashruuca AMISOM ee karti dhisidda jinsiga ee loogu talagalay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Mudane Jim Haggerty, oo ah Madaxa Barnaamijka Sanduuqa Colaadda, Amniga iyo Xasilloonida ee Soomaaliya iyo La Taliyaha Xasilinta ee Safaaradda Ingiriiska, ayaa ballanqaaday in ay sii wadayaan taageeridda mashruuca.

โ€œInta aan awoodno, waan sii wadeynaa in aan taageerno u fidinno barnaamijkan iyo barnaamijyo kale oo ka soo farcama bilooyinka iyo sanadaha soo socdaba,โ€ ayuu yiri Jim Haggerty.

Ku xigeenka Wasiirka Difaaca ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, ayaa aqoonsaday muhiimadda ay leedahay in haweenka la siiyo fursado siman, gaar ahaan dhinaca jegooyinka goโ€™aan gaaridda.

โ€œHaddii aysan jirin xuquuqda Haweenka, marka ma jirto xuquuqda beniโ€™aadanka, Haddii aan dhowrno xuquuqda haweenka, waa markaas marka aan dhihi karno waxaan dhowrnay xuquuqda beniโ€™aaddamka,โ€ ayuu ku yiri ka qayb-galayaasha siminaarka.

โ€œWaa sidaasi darteed ayay muhiim inoogu tahay in aan soo baxno oo aan horumarinno xuquuqda haweenka.โ€

DHAMMAAD

Previous Post

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad mariyay Hindise Sharciyeedka Ladagaallanka Argagixisada

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo faah faahisay mashaariicda ay ka fulineyso Gobollada dalka “Dhageyso”

Next Post
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda xukuumadda F. S. oo dhagax dhigay dhismaha xarunta maamulka Gaalkacyo+Sawirro

Wasaaradda Maaliyadda oo faah faahisay mashaariicda ay ka fulineyso Gobollada dalka "Dhageyso"

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

August 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay...

Masโ€™uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

Masโ€™uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

August 12, 2026
0

Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, iyo maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Aqoonsiga Kolombiya ee Madax-bannaanida Israaโ€™iil ee Buuraleyda Golan

August 12, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa goโ€™aanka ay Dowladda Kolombiya ay ku aqoonsatay sheegashada Israaโ€™iil ee ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In