Thursday, May 19, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad mariyay Hindise Sharciyeedka Ladagaallanka Argagixisada

November 22, 2017
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hambalyo u diray shacabka Somaliland doorashadii sida nabad gelyada leh kusoo gaba gaboowday ee dhawaan halkaasi ka dhacday, isagoo ku tilmaamay tallaabo horumar laga gaaray xagga demoqraadiyadda.

Guddiyada Maaliyada ee Golaha shacabka ayaa golaha ka hor jeediyay dib u eegista ku saabsan canshuurta gunnooyinka ee ku noqoshada Misaaniyadda Qaranka ee 2017-ka oo uu goluhu cod geliyay, waxaana guddiga uu soo jeediyay qodobo ay ka mid yihiin in guno xileedyada la siiyo mas’uuliyiinta dowladda laga jaro 8% canshuur bileed ah laga bilaabo bisha October ee Sanadkan, in xukumaddu ay diyaariso xeer nidaamiya oo qeexaya guno xileedyda Baarlamaanka Federaalka si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka, kaasi oo dhaqan galaya sanad miisaaniyadeedka 2018 intaasi ka dibna golaha ayaa cod geliyay, waxaana ogolaatay 149 mudane saddex ayaa ka aamustay mana jirin cid diiday.

Related posts

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay natiijada codeynta ayaa sidoo kale sheegay inaanu waxba ka jirin warar been abuur oo uu sheegay in maalmihii lasooa dhaafay baraha bulshada lagu daabacayay.

Intaasi kaddib Golaha Shacabka ayaa guda galay Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka ladagaalanka argagixisada iyo ujeedooyinka uu xambaarsanyahay, wxaana golaha ka hor akhiryay Wasiirka Amniga oo sheegay in sharcigan uu la jaan qaadayo xeerarka caalamiga ah.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka xakameynta hubka wax dila oo ay Wasaaraddu soo diyaarisay.

Intaasi kaddib Xildhibaanada Gaolaha Shacabka ayaa dhowr su’aalood ku saabsan waxayaabaha sharciyadan ay soo kordhin doonaan iyo saameynta dhaqaale ee ay yeelan doonaan weydiiyay Wasiirka Amnaiga.

Ugu dambeyn Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay xisaab celinta gargaarga deg dega gaarka ah ee Xildhibaanada oo uu Golaha ka hor jeediyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinka Sabtiga ah Golaha Shacabka uu yeelan doono kulan aan caadi aheyn oo uu qudbad ka jeedin doonoa Guddoomayaha Baarlamaanka ee Walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo dalka booqasho casuumaad rasmi ah ku imaan doona.

Previous Post

DAAAWO SAWIRRADA:- Safarka Ra’isulwasaaraha Ee Baydhabo Janaay

Next Post

AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

Next Post
AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

AMISOM oo siineyso ciidamada Soomaaliya tababar ku aaddan kobcinta haweenka ku jira qaybta amniga

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

R/W Rooble oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed...

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

Duqa Muqdisho iyo Xildhibaanno booqasho salaan ah ugu tegay Madaxweynaha Dalka

May 18, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday hoyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Axmed Madoobe

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Masuuliyiinta ayaa...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Safiiradda dalalka Uganda iyo Itoobiya ee Soomaaliya

May 18, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay Safiirka dowladda Uganda ee Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In