Tuesday, September 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Kheyrre oo maanta dhagax dhigaya xabsi laga dhisayo Baydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaaladaasi uga qeyb galaya munaasabad lagu dhagax dhigayo Xabsi cusub oo laga dhisayo magaalada Baydhabo.

Xabsiga oo qeyb ka ah mashaariicda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala kaashaneysa Beesha caalamka ayaa laga dhisayaa duleedka Waqooyi ee magaalada Baydhabo halkaasi oo uu maanta ka dhagax dhigayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026

Ra’iisal wasaare Kheyre waxaa munaasabaddaasi ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Wariyaha Warbaahinta Dowladda ee ku sugan magaalada Baydhabo Siraaji Sheekh Isxaaq  ayaa soo sheegaya in baahi weyn oo dhanka xabsiga ah ay ka jirto deegaannada Koonfur galbeed, islamarkaana xabsiga hadda dhisan uu qaadeyn tiro badan oo maxaabiis ah hadana uu la ciir ciirayo kuwa ku xiran.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, isagoo lugta soo mariyay meelo badan muhiim ah oo ka tirsan magaalada Baydhabo gaar ahaan xarumaha maamulka uu ku shaqeeyo.

Previous Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Wasiirka Amniga ” Ujeedka Xeerka la dagaallanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”

Next Post
Wasiirka Amniga ” Ujeedka Xeerka la dagaallanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”

Wasiirka Amniga ” Ujeedka Xeerka la dagaallanka Argagixisada waa sidii dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo ku nool Boosaaso

September 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa deeq gargaar raashin ah gaarsiisay kumannaan qoys oo nugul oo ku nool magaalada...

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha oo maanta ka furmay Muqdisho

September 1, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta amniga...

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐭𝐞𝐠𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

August 31, 2026
0

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Dalka Serbia

August 31, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In