Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano katirsan G/Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba  

admin by admin
November 25, 2017
in Wararka
0
Xildhibaano katirsan G/Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba   
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabkaJamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka naafada ah oo ay dhageysanayeen baahiyaha gaarka ay qabaan, caqabadaha heysta,  iyo talooyinka ay ku biirinayaan sharciga Dadka baahiyaha gaarka qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Dalka uu Ansixiyo dhowaan.

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen dadka baahiyaha gaarka qaba sida kuwa naafada, indhoolayaasha ayaa Xildhibaanadu waxa ay dhageysanayeen baahiyaha ay qabaan oo u baahan dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana dadkaasi ay soo bandhigeen caqabada ka heysta dhinaca nolosha sida in aan lagu saleynin marka la dhisayo guryaha iyo meelaha la isugu yimaado baahida dadka naafada ah sida in aysan kori karin Hoteelada, musqulaha aynan isticmaali karin iyo waxyaaba kale oo halkaasi ay ku soo bandhigeen.

Kulanka intii uu socday ayaa dadkii ka hadlay ee baahiyaha gaarka qaba ama Naafada  waxa ay codsadeen in loo sameeyo Wasaarad gaar ah oo quseysa naafada islamarkaana ka jawaabta baahiyahooda waxna u qabata iyaga, waxaana sidoo kale ay codsadeen in fursado dhinaca shaqada ah ay ka helaan hey’adaha dowladda sida dadka caadiga ahba ay u helaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha SHacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Jowhar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiimka ay u tahay in ka garab istaago dadka naafada ah ayna helaan Xuquuqda ay u baahanyihiin, waxaana uu sheegay baahiyaha dadkaasi ay qabaan in ay u gudbin doonaan Xukuumadda ayna ku soo dari doonaan Talooyinka iyo cabashada ay muujiyeen Sharciga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno si loo ansixiyo.

Sidoo Kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in  mar walbo ay u taaganyihiin ka warqabka bulshada ay matalaan iyo raadinta Xuquuqda ka maqan, waxaana uu xusay in dadkaasi naafada ah sababta ay isugu yeereyn ay tahay in ay ogaadaan caqabadaha heysta, iyo xuquuqda ka maqan si ay u raadiyaan ka Xildhibaanna ahaan maadaama ay qeyb ka yihiin dadka ay matalaan, isagoo intaa ku daray talooyinka iyo fikradaha ay soo jeediyeen in ay ku biirin doonaan sharciga dadka Baahiyaha Gaarka qaba, waxaana carabka uu ku adkeeyay  in ay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah  bulshada qeybaheeda kale duwan ay la qaadanayaan.

Previous Post

Faah faahin Dheerad ah oo ka soo baxaysa Qaraxi kadhacay Dalka Masar

Next Post

Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere 

Next Post
Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere 

Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

June 11, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In