Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaano katirsan G/Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba  

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xildhibaano katirsan G/Shacabka oo la kulmay qaar kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba   
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabkaJamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah dadka naafada ah oo ay dhageysanayeen baahiyaha gaarka ay qabaan, caqabadaha heysta,  iyo talooyinka ay ku biirinayaan sharciga Dadka baahiyaha gaarka qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Dalka uu Ansixiyo dhowaan.

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen dadka baahiyaha gaarka qaba sida kuwa naafada, indhoolayaasha ayaa Xildhibaanadu waxa ay dhageysanayeen baahiyaha ay qabaan oo u baahan dowladda Soomaaliya ay wax ka qabato, waxaana dadkaasi ay soo bandhigeen caqabada ka heysta dhinaca nolosha sida in aan lagu saleynin marka la dhisayo guryaha iyo meelaha la isugu yimaado baahida dadka naafada ah sida in aysan kori karin Hoteelada, musqulaha aynan isticmaali karin iyo waxyaaba kale oo halkaasi ay ku soo bandhigeen.

Kulanka intii uu socday ayaa dadkii ka hadlay ee baahiyaha gaarka qaba ama Naafada  waxa ay codsadeen in loo sameeyo Wasaarad gaar ah oo quseysa naafada islamarkaana ka jawaabta baahiyahooda waxna u qabata iyaga, waxaana sidoo kale ay codsadeen in fursado dhinaca shaqada ah ay ka helaan hey’adaha dowladda sida dadka caadiga ahba ay u helaan.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha SHacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Jowhar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida muhiimka ay u tahay in ka garab istaago dadka naafada ah ayna helaan Xuquuqda ay u baahanyihiin, waxaana uu sheegay baahiyaha dadkaasi ay qabaan in ay u gudbin doonaan Xukuumadda ayna ku soo dari doonaan Talooyinka iyo cabashada ay muujiyeen Sharciga Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la doonayo in Baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno si loo ansixiyo.

Sidoo Kale Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo Kulankaasi soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in  mar walbo ay u taaganyihiin ka warqabka bulshada ay matalaan iyo raadinta Xuquuqda ka maqan, waxaana uu xusay in dadkaasi naafada ah sababta ay isugu yeereyn ay tahay in ay ogaadaan caqabadaha heysta, iyo xuquuqda ka maqan si ay u raadiyaan ka Xildhibaanna ahaan maadaama ay qeyb ka yihiin dadka ay matalaan, isagoo intaa ku daray talooyinka iyo fikradaha ay soo jeediyeen in ay ku biirin doonaan sharciga dadka Baahiyaha Gaarka qaba, waxaana carabka uu ku adkeeyay  in ay joogteyn doonaan kulamada noocaan oo kale ah  bulshada qeybaheeda kale duwan ay la qaadanayaan.

Previous Post

Faah faahin Dheerad ah oo ka soo baxaysa Qaraxi kadhacay Dalka Masar

Next Post

Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere 

Next Post
Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere 

Duqa Muqdisho oo xariga ka jray dib u dhiska Degmada Boondheere 

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Xujeydii Soomaaliyeed ee ugu horreysay sanadkan oo maanta laga sagootiyay garoonka Diyaaradaha Muqdisho

May 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Dowladda Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow Cali ayaa oo Daahfuray Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Xujeyda...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 1st May, 2026   1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a dinner...

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026

May 1, 2026
0

ToddobaaWarbixinta dlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1st May, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia casho...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In