Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaramada midoobay oo gargaarkii ugu horeeyay geysay Yemen 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada midoobay ayaa gargaarkii ugu horeesay ka dejisay dekedda ay maamulaan Xuutiyiinta ee ku taala waqooyiga dalka Yemen, kadib markii ay dowladda Sacuudiga ay qafiifisay xayiradii ay kusoo rogtay dalkaasimuddo saddex toddobaad kahor.Yemen ayaa qarka u saaran macluul, waxaana hakintii howlaha gargaarka ay keentay walaac horleh.

Maraakibtan siday daqiiqda ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Hodeidah ee wadanka Yemen , taasi oo aan la barbar dhigi karin baahida ka taagan gudaha Yemen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

February 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

February 23, 2026

Malaayiin qof oo ku sugan gudaha dalka Yamen ayaa la daalaa dhacayaa dhibaatooyin ay kamid yihiin baahi iyo caafimaad darro.

Waxaana gargaarkan hadda la geeyay dalkaasi la rumeesanyahay inuu habayaraatee wax ka tari doona baahida ka taagan gudaha Yemen, maadaama haatan dib loo furay dekedda.

Hey’adaha gargaarka ee ka howgala Yemen ayaa rajeynaya in dib u furida dekedda ay horseedi doonto in dalkaasi la geeyo gargaar dheeraad ah.

Abeer Etefa oo ah afhayeenka hey’adda cunnada adduunka ee WFP oo ka hadashay xaaladda dalkaasi ka taagan iyo baahida loo qabo gargaarka deg deg ah ayaa sheegtay in dalkaasi uu qarka u saaranyahay macluul.

Sidookale madaxa hey’adda badbaadad carurta UNICEF ee bariga dhexe iyo waqooyiga qaarada Afrika, Mr Geert Cappelaere oo ka walaacsan xaaladda caruurta ee dalkaasi ayaa sidookale BBC-da u sheegay in dhibaatooyinka bani’iaadanimo ee ka taagan dalka Yemen ay saameysay inta badan dadka kunool Yemen, gaar ahan Caruurta.

Dadka qaar ayaa qabo in bixinta gargaarka la geeyay Yemen uu qaadan doono muddo.

Dowladda Sacuudiga ayaa xayiraad kusoo rogtay wadanka Yemen, kadiib markii Xuutiyiinta Yamen ay Gantaal ku soo rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, taa oo dhalisy in xukuumadda Riyadh ay qaado talaabooyin saameyn ku yeeshay dadka rayidka ah.

Xulafada Sacuudiga ayaa dagaal kula jira xuutiyiinta ay taageerto dowladda Iran, waxaana taasi ay horseeday in dalka Yamen uu noqdo mel ay ku hardamaan Sacuudiga iyo Iran.

Previous Post

R/wasaare ku-xigeenka Dalka oo la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles dhawaan ayay nagu soo wareejinaysa maxaabiista”

Next Post
Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles dhawaan ayay nagu soo wareejinaysa maxaabiista”

Wasiirka Arrimaha dibadda”Dowladda Seychelles dhawaan ayay nagu soo wareejinaysa maxaabiista”

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

Guddoomiyaha SoDMA oo xurunta Hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Cuntada Adduunka

February 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

February 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fadliga bisha Ramadaan awgiis, markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

February 23, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalka Nigeria, kuwaas...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabanayso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In