Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa xuska 16 maalmood oo caalamka u asteeyay in loo ololeeyo ka hor tagga xadgudubka Jinsiga, kaas oo ay soo qaban qaabisay safaaradda UK ee Soomaaliya, waxaana hal ku dhega sanadkan uu yahay “Yaan loo ka la harin la dagaallanka xadgudyada ka dhanka ah Haweenka”.

Danjiraha UK ee Soomaaliya David Concar oo khudbad u jeediyay ka qeybgaliyaasha kulanka ayaa sheegay in dowladiisa ka go’an tahay dabar goynta xadgudub nooc kasta oo ka dhan ah Haweenka iyo gabdhaha yar yar, isagoo Haweenka Soomaaliyeed ku amaanay dadaalka ah ugu jiraan helitaanka xuquuqda aas aasiga ah, waxaana uu xusay in UK ay taageereyso dadaal kasta oo lagu caawinayo dadka nugul oo ay ugu horeeyaan Haweenka iyo Carruurta.

Related posts

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Xaaji Dheer ayaa sheegtay in wax badan iska bedeleen xadgudubka ka  dhanka ah haweenka Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in sharciyada arrintaas xoojinaya la dedejiyo…

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee dowladda Soomaaliya Deeqa Yaasiin, oo kulanka ka qeybgashay ayaa Warbaahinta Qaranka ugu warbixisay ahmiyadda 16 maalmood ay leedahay, iyadoo tilmaamtay in barnaamijkan uu soo bilowday 25-kii bishan, lana filayo in la soo gabo gabeeyo 10-ka December oo ku beegan maalinta Xuquuqda Aadaha.

Sanad kasta, waxaa caalamka laga sameeyaa ololaha la dagaallanka xadgudubka Jinsiga oo soconaya 16 maalmood, Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga ololeeyo maadaama dhibaatada laga hadlayo ay si weyn u taabaneyso nolasha in ka badan nus kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kenya

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee BJFS oo la kulantay Xildhibaanada Haweenka Soomaaliya u matala EAC

April 15, 2026
0

Xildhibaanada haweenka ah ee ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), oo ay hoggaamineyso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In