Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 27, 2017
in Wararka
0
Ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa xuska 16 maalmood oo caalamka u asteeyay in loo ololeeyo ka hor tagga xadgudubka Jinsiga, kaas oo ay soo qaban qaabisay safaaradda UK ee Soomaaliya, waxaana hal ku dhega sanadkan uu yahay “Yaan loo ka la harin la dagaallanka xadgudyada ka dhanka ah Haweenka”.

Danjiraha UK ee Soomaaliya David Concar oo khudbad u jeediyay ka qeybgaliyaasha kulanka ayaa sheegay in dowladiisa ka go’an tahay dabar goynta xadgudub nooc kasta oo ka dhan ah Haweenka iyo gabdhaha yar yar, isagoo Haweenka Soomaaliyeed ku amaanay dadaalka ah ugu jiraan helitaanka xuquuqda aas aasiga ah, waxaana uu xusay in UK ay taageereyso dadaal kasta oo lagu caawinayo dadka nugul oo ay ugu horeeyaan Haweenka iyo Carruurta.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Xaaji Dheer ayaa sheegtay in wax badan iska bedeleen xadgudubka ka  dhanka ah haweenka Soomaaliyeed isla markaana loo baahan yahay in sharciyada arrintaas xoojinaya la dedejiyo…

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee dowladda Soomaaliya Deeqa Yaasiin, oo kulanka ka qeybgashay ayaa Warbaahinta Qaranka ugu warbixisay ahmiyadda 16 maalmood ay leedahay, iyadoo tilmaamtay in barnaamijkan uu soo bilowday 25-kii bishan, lana filayo in la soo gabo gabeeyo 10-ka December oo ku beegan maalinta Xuquuqda Aadaha.

Sanad kasta, waxaa caalamka laga sameeyaa ololaha la dagaallanka xadgudubka Jinsiga oo soconaya 16 maalmood, Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga ololeeyo maadaama dhibaatada laga hadlayo ay si weyn u taabaneyso nolasha in ka badan nus kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kenya

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay sanad guurada 100-aad ee Xurnimada Finland oo lagu qabtay Muqdisho "SAWIRRO"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In