Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Seychelles

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Seychelles
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dalka Seychelles  (Mr.  Danny Faure)  ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxayna ka wada hadleen arimaha soo socda:

1: Soo celinta Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles, si kuwa xukumani ugu dhamaystaan Soomaaliya xukunnadooda , kuwa lasii daynayana lagu celiyo dalkooda.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

2.Xoojinta iskaashiga Amniga Badda Indean Ocean oo ka dhaxaysa labada dal iyo marinada biyaha ee ganacsiga aduunku isaga goosho, lagana hortago falalka Bucad-badeednimada.

3.In Soomaaliya iyo Seychelles iska kaashadaan dhinacyo kala duwan sida Ganacsiga, Dalxiiska, iyo in Khibradda Seychelles ee xagga badaha loo gudbiyo Soomaaliya.

Dhanka Dalka Seychelles waxaa goob joog ka ahaa kullanka , Xoghayaha Arrimaha Dibadda (Ambassador Barry Faure) iyo madax kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada, dhanka Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

Dhamaan arrimahaas wa laysku afgartay, Madaxweynaha Seychelles-na waxa uu bogaadiyay horumarka dhinac kasta ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya gaartay waxa uuna sheegay in Seychelles markasta garab taagan tahay Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Mareykanka oo Faah faahin ka bixiyay duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Argagixisada Soomaaliya

Next Post
Mareykanka oo Faah faahin ka bixiyay  duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Argagixisada Soomaaliya

Mareykanka oo Faah faahin ka bixiyay duqeyn lagu dilay horjooge ka tirsan Argagixisada Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In