Friday, September 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo daah furay mashruuc qaliin guud ah oo loogu adeegayo bulsho tabaaleysan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 29, 2017
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo daah furay mashruuc qaliin guud ah oo loogu adeegayo bulsho tabaaleysan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow) ayaa maanta  Daah furay Mashruuc Qaliin guud ah oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad iyo Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Mashruuca lagu daah Furayay waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Madaxooyada Soomaaliya, Mudane Khaliif Cabdulqaadir Macalim Nuur oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad, Madaxda Istibaalka Aadan Cadde oo ay ka mid yihiin Dr. Cismaan Aadan Cabdulle iyo Dr. Maxamuud Maxamed Zaahid, Dhaqaatiir ajaanib ah oo ka qeyb qaadaneysa Qaliinka, Dr Mahad iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Mu’asasada Macalim Nuur Dr Mustaf Muxudiin

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

September 19, 2025
Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025

Mashruuca Qaliinka oo socan doona muddo bil ah ayaa waxaa looga faa’iideynayaa 435 Bukaan oo danyar ah, kuwaas oo qaba xanuuno kala duwan.

Dr  Maxamuud Saahid Maxamed iyo Dr Cusmaan Aadan Cadde oo  ka mid ah masuuliyiinta sare ee Cusbitaalka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay talaabadan ay tahay mid wanaagsan ayna u diyaar u yahiin u adeegidda bulshada danta yar.

Mid ka mid ah dadka ka faa”iideystay  olalahan  qaliinka guud  oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay adeegga caafimaad ee loo sameeyay.

Wasiir Yariisow ayaa waxa uu uga mahad celiyay Mu’asasada Macalim Nuur iyo Isbitaalka Aadan Cadde mashruuca bulshada looga faa’iideynayo, waxa uuna rajeeyay in mustaqbalka la fulin doono Mashaariic kale oo shacab badan ka faa’iideestaan.

Tani waa talaabo muujinayso in bulshada Soomaaliyeed ay dhexdooda isku gar gaaran.

Previous Post

Shirka dib-u-eegista sharciga Shaqaalaha Rayidka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Howgallo laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Beladweyne

Next Post
-5 June 2016Ciidanka kumaandooska oo maleeshiyaad ku dilay deegaanka Beerxaani

Howgallo laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Beladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyihii hore ee NISA

September 19, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyihii hore ee Nabadsugidda Qaranka,...

Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

September 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto) ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tagay saldhigga Booliska...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

September 18, 2025
0

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise...

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

September 18, 2025
0

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka howlaha muhiimka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In