Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo daah furay mashruuc qaliin guud ah oo loogu adeegayo bulsho tabaaleysan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo daah furay mashruuc qaliin guud ah oo loogu adeegayo bulsho tabaaleysan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka Soomaaliiya Eng, Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow) ayaa maanta  Daah furay Mashruuc Qaliin guud ah oo ay fulintiisa iska kaashanayaan Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad iyo Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Mashruuca lagu daah Furayay waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Madaxooyada Soomaaliya, Mudane Khaliif Cabdulqaadir Macalim Nuur oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Mu’asasada Macalim Nuur Maxamed Siyaad, Madaxda Istibaalka Aadan Cadde oo ay ka mid yihiin Dr. Cismaan Aadan Cabdulle iyo Dr. Maxamuud Maxamed Zaahid, Dhaqaatiir ajaanib ah oo ka qeyb qaadaneysa Qaliinka, Dr Mahad iyo Agaasimaha Caafimaadka ee Mu’asasada Macalim Nuur Dr Mustaf Muxudiin

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Mashruuca Qaliinka oo socan doona muddo bil ah ayaa waxaa looga faa’iideynayaa 435 Bukaan oo danyar ah, kuwaas oo qaba xanuuno kala duwan.

Dr  Maxamuud Saahid Maxamed iyo Dr Cusmaan Aadan Cadde oo  ka mid ah masuuliyiinta sare ee Cusbitaalka Aadan Cadde ayaa sheegay in ay talaabadan ay tahay mid wanaagsan ayna u diyaar u yahiin u adeegidda bulshada danta yar.

Mid ka mid ah dadka ka faa”iideystay  olalahan  qaliinka guud  oo la hadlay Warbahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay adeegga caafimaad ee loo sameeyay.

Wasiir Yariisow ayaa waxa uu uga mahad celiyay Mu’asasada Macalim Nuur iyo Isbitaalka Aadan Cadde mashruuca bulshada looga faa’iideynayo, waxa uuna rajeeyay in mustaqbalka la fulin doono Mashaariic kale oo shacab badan ka faa’iideestaan.

Tani waa talaabo muujinayso in bulshada Soomaaliyeed ay dhexdooda isku gar gaaran.

Previous Post

Shirka dib-u-eegista sharciga Shaqaalaha Rayidka oo ka furmay Garoowe “SAWIRRO”

Next Post

Howgallo laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Beladweyne

Next Post
-5 June 2016Ciidanka kumaandooska oo maleeshiyaad ku dilay deegaanka Beerxaani

Howgallo laga fuliyay deegaanno hoostaga Degmada Beladweyne

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In