Sunday, November 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah faahin ku saabsan Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Faah faahin ku saabsan Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaab  oo ka dhacay Gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dilay ilaa 11 katirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan Shabaab,ayna dhaawaceen kuwo kale,kadib markii dagaal uu ku dhexmaray deegaan hoostaga Degmada Maxas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid markii maleeshiyaad katirsan Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo la socotay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil katirsan ciidanka Xooga Dalka,kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuna sii jeedey Degmada Maxaas.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta  XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

November 9, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

November 9, 2025

Janaraal Axmed Maxamed(Tareedisho) oo ah taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Xooga Dalka ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in ay shabaab ka dileen 11 qof tiro kalena ay ka dhaaweceen,isagoo xusay in dhankooda uu dagaalkaasi uu kaga dhintay 1 askari,ayna kaga dhaawacmeen 4 kale.

Wafdiga guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa haatan gaaray degmada Maxaasi ee Gobolka Hiiraan Halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Ujeedka socdaalka ayaa ah sidii halkaasi loo geyn lahaa maamul cusub oo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu u magacaabay degmadaasi,iyagoo kulamo la qaadanaya qeybaha kaladuwan ee bulshada si loola shaqeeyo maamulka cusub.

Previous Post

Akhriso:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dowaladda oo ku saabsan Soomaalida Liibiya ku Nool

Next Post

Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka hadashay Qorshaha Horyaala

Next Post
Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka hadashay Qorshaha Horyaala

Dhageyso: Wasaaradda Gaashaandhiga XFS oo ka hadashay Qorshaha Horyaala

Wasiirka Warfaafinta  XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga,...

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

November 9, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Brazil):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano...

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

Madaxweyne Xasan oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta biraha Shubka ee dalkeenna

November 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay xoojinta Wax-soosaarka dalkeenna ayaa xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In