Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muwaadiniin wadamo ay Soomaaliya ku jirto oo ka walaacsan Go’aanka Maxakamadda ugu sareysa ee Mareykanka

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Muwaadiniin wadamo ay Soomaaliya ku jirto oo ka walaacsan Go’aanka Maxakamadda ugu sareysa ee Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muddo dheer oo jahwareer iyo niyad jab hayasatay qoysas muwaadiniinta wadamo 6 ah oo Soomaaliya ay ku jirto ayaa waxaa sii kordhaya walaaca ay muujinayaan dadkaasi ka dib markii Maxkamadda ugu sarraysa Maraykanka ay go’aamisay in si dhamaystiran loo hirgaliyo mamnuucitaankii uu madaxweyne Trump ku soo rogay Lix dal oo Muslimiin ah. Go’aankaasi oo wajihi kara caqabado dhanka sharciga ah.

Waxaa uu xoojin karaa Go’aankani siyaasaddii madaxweynaha Mareykanka Jey Trump ee ka dhanka ahayd Muwaadiniinta Chad, Iiraan, Liibiiya, Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen.

Related posts

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026

Muwaadiniinta Wadamo laga mamnuucay Mareykanka in ay u safrikaraan oo Soomaaliya ay kujirto ayaa waxaa ay ka walaacsan yihiin talaabadaasi,iyadoo caqabad ku noqonaysa qoysas sugayay in ay la midoo baan eheladooda oo in muddo ah sugayay.

Xukunkan wuxuu ku fulayaa go’aanka markii saddexaad isbadalka lagu sameeyay ee uu madaxweynuhu bixiyay tan iyo markii uu xilka la wareegay,waxaana toddobo ka mid ah sagaalka xaakim ee dacwadda dhagaysanayay ay qaaday Isniintii laalitaankii ay ku sameeyeen maxkamadaha hoose.

Go’aanka madaxweyne Trump horey uu u qaatay in uu laalnaado,waxaa taageersanaa oo kaliya Ruth Bader Ginsburg iyo Sonia Sotomayor,balse sida muuqata ay soo afjarantay arintaasi.

Maxkamadaha racfaanka ee San Francisco, California, Richmond iyo Virginia ayaa dhagaysan doona doodda toddobaadkan si ay u fiiriyaan bal in soo celinta siyaasaddan ay sharciga waafaqsan tahay.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa xustay in ay filayso in maxkamadahaasi ay go’aan ka gaaraan arrimaha qaarkood,Kuwaas ayaana ugu dambayn dib loogu celin doonaa maxkamadda sare.

Previous Post

Dhageyso: Wasaaradda Amniga XFS oo Faah faahin ka bixisay Amniga Dalka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

January 19, 2026
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali , today received the Ambassador of the Republic of...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In