Friday, June 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faallo :- Madaxda Soomaaliya oo cagta saaray waddadii horumarka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 6, 2017
in Wararka
0
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inta badan shirarka wadatashiga ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waa kuwo u dhacay  si habsami leh oo ka tarjumaya  aayaha umadda, gaar ahaan marka loo eego kulankii ugu dambeeyay oo ay ka soo bexeen qodobbo xasaasi oo keeni kara musaqbal u ifaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Kulankii  wada tashiga ee magaalada Muqdisho ka socday  labadii cisho ee u dambeysay ,waxaaa la isla gartay in dardar hor leh loo galo xoojinta amniga,gaar ahaan sidii  meesha looga  saari lahaa  kooxaha nabad diidka ah,iyadoo sidoo kale lagu go’aamiyay in la kobciyo dhaqaalaha dalka oo xilligaan lagama maarmaan u ah in ay gacan ka geystaan bulsho weynta caalamka.

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah oo ka duwan shirarkii hore,waxaa lagu sii ambaqaaday dedejinta dhismaha ciidamada isku dhafka ah iyo qaabka ugu habboon ee loo suurtagelin karo dhameystirka dastuurka iyo qabsoomidda doorashooyinka soo socda.

Gunaanadka wajiga 2-aad ee shirkii London  ee looga hadlaaayey arrimaha Soomaliya, islamarkaana ay ka qeybgaleen  madaxda  Dowladda Fedraalka ah,  kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka ayaa u muuqda mid miro dhal ah Kadib kolkii dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay soo bandhigeen sida ay u arkaan in lagu gaari karo xalka Soomaaliya,gaar ahaan mustaqbalka dhow .

Madaxda dowladda dhexe,kujwadowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ee ka hadlay furitaankii iyo gabagabadii ,waxa ay wada qireen sida ay uga go’an tahay soo celinta karaamadii iyo sumcadii ay lahaayeen dadka iyo dalka Soomaaliya.

Waa tallaabo muhiim ah oo  mudan soo dhoweyn dadaalka ku aadan arimaha Soomaaliya ee ay wadaan dhinacyada siyaasadda dalka iyo beesha caalamka,waxaana suurtogal noqotay in madaxa Soomaalida lagu aamini karo dhaqaalahaka soo xerooda dibadda oo loo soo marin jiray hey’adaha.

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida ayaa muujinaya in dadka Soomaaliyeed ay xilligaan ka gudbayaan  caqabadaha turaanturada ku ah geedi socodka arimaha dadka iyo dalka.

Wadatashiya xilligaan ee ka dhacay  gudaha dalka soomaaliya,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo hammiga iyo niyadda dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Waaya aragnimada ay umadi u leedahay marxaladihiin kala duwanaa ee la soo maray ayaa waqtigaan ku dhiirigelinaya in loo hogaansamo,isla markaana gacan la siiyo dowladda  curdunka ah ee la doonayo in loo adkeeyo cagihii ay isku taagi laheyd.

Waxaa dhab ah in caalamka iyo hey’ado samofalku ay diyaar u yihiin soo nooleynta adeegyadii umadda ee lagama maarmaanka u ahaa jiritaanka dadka iyo dalka,waxayna afka ku ballaariyaan sida ay uga go’an tahay garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Bulsho mideysan oo  diyaar u ah horumarkeeda ,isla markaana ku dhaqaaqda taageeridda dowlad sal adag oo u adeegta dadka iyo dalka,waxaa la gaari karaa marka la helo ,wax wada qabsi iyo kalsooni wadajir ah oo ka timaada dowlad goboleedyada iyo xukuumadda dhexe.

Dadka Soomaaliyeed waxay u arkaan in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu ay ku dhaqaaqeen  horumar badan oo taabanaya dhinacyada soo celintaa ammaanka,dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha,garsoorka iyo adeegyada kale ee bulshada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in shacbiga ay gacan ka geystaan dadalka ugu jiraan soo celinta nidaamka iyo kala dambeynta

W/Diyaariyay Shire Xasan Kulmiye

Previous Post

Ciidamada Xoogga dalka oo Hawlgallo Jidgooyooyin lagu qaaday ka sameeyay Shabeellaha dhexe

Next Post

Mareykanka oo ugu Baaqay Muwaadiniintiisa inay Feejignaadaan kaddib go’aanka Qudus

Next Post
Mareykanka oo ugu Baaqay Muwaadiniintiisa inay Feejignaadaan kaddib go’aanka Qudus

Mareykanka oo ugu Baaqay Muwaadiniintiisa inay Feejignaadaan kaddib go’aanka Qudus

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In