Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Madaxweynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyay Xulka kubada Cagta Jubbaland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo qado sharaf u sameeyay Xulka kubada Cagta Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qado sharaf magaalada Muqdisho ugu sameeyay cayaartooyda Xulka kubadda Cagta Jubbaland ee ka qayb galaya Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir oo lagu qabanayo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal iyo mas’uuliyiin kale ayaa munaasabadan ka qayb galay.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in uu rajaynayo in Xulka kubada Cagta Jubbaland ay ku guulaystaan koobka Dowlad Goboleedyada dalka isla markana ay muujiyaan niyad wanaag iyo habdhaqan wanaagsan marka ay garoonka ku jiraan.

Axmed Madoobe wuxuu cayaartooyda ku booriyay in ay soo celiyaan tariikhdii Jubbaland ay caanka ku ahayd, isla markana ay koobka keenan Caasimada KMG ah ee Kismaayo.

Isagoo ka hadlayay sida ay uga go’an tahay in Cayaaraha la hormariyo ayuu sheegay in ay sababta ugu weyn ee Kismaayo loogu qaban waayay Ciyaaraha ay tahay in la doonayo in qaab casri ah oo Ciyaaraha waa weyn lagu qaban karo loo habeeyo garoonka kubada Cagta Waamo ee magaalada Kismaayo isla markana la hormarin doono xirfadaha kala duwan ee Ciyaaraha

Madaxweynahaha Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa kale oo uu balan qaaday in la abaal marin doono Ciyaartooyda Jubbaland, isla markana iyaga laga bilaabayo hanaanka shaqo abuurka dhallinyarada oo ay dhawaan meel marinayaan golaha Wasirada Jubbaland.

Xildhibaanno, Wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland ayaa balan qaaday in si wanaagsan uga qayb qaadan doonaan muuraal siinta Xulka kubada Cagta Jubbaland.

Previous Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka hadlay dhibaatooyinka heysta dhallinyarada ku xiran Libiya

Next Post

Akhriso Qodobada ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlusunna+SAWIRRO

Next Post
Akhriso Qodobada ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlusunna+SAWIRRO

Akhriso Qodobada ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlusunna+SAWIRRO

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In