Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan geleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha maamulka  Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xullka kubadda cagta ee Puntland ayaa ku adkeeyey  dhallinta inay illaashadaan sumcadooda, sharaftooda iyo karoomadoodaba, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in intaasi ku dhowrsoomayaan iyadoo ay hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinta u sameeyey balanqaadyo uu ka mid ahaa dhismaha iyo casriyaynta garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhowaan la dhigidoono qaar kamidda garoomada Puntland roogga cagaaran lana samayndoono tartamo, tababaro iyo dhammaan ciyaaraha kala duwan ee jira.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhallinta ku booriyey inay sameeyaan Alle ku xidhnaansho iyo dedaal badan si ay uga gungaaraan himiladooda ah hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee maanta 08 December 2017 ciyaartiisii ugu horaysey laciyaaray, waxaana uu Madaxweynuhu u cadeyey dhallinyarada in ka maamul ahaan la garabtaagan tahay tageero buuxda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘SWC’ u waydiiyey dhallinta Soomaaliyeed ee ku hirdamaysa tartanka kubadda cagta Soomaaliya maxsuul wanaagsan oo ay dhammaantood ku qancaan, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara Alle u waydiiyey xulka kubadda cagta Puntland guul ay ku hantaan marlabaad koobka kubbad cagta Soomaaliya.

Previous Post

Qaramada midoobay oo ka digtay xaalado adag oo weli ka taagan Purma

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In