Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro+Soomaliya oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo

caqiil by caqiil
December 13, 2017
in Wararka
0
Daawo Sawirro+Soomaliya oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska oo ka qeybgalaya Shirweynaha 2aad ee Caalamka ee Dhaqanka & Dalxiiska oo ay soo qabanqaabiyeen hayโ€™adaha UNWTO iyo UNESCO oo lagu qabtay magaalada Masqad ee Saldanada Cumaan ayaa yiri Soomaaliya waxey soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo.

In ka badan 800 ayaa shirkan ka soo qeybgashay iyagoo ka kala yimid 70 dal si ay uga qeybgalaan shirkan oo ka dhacayey caasimada Masqad ee dalka Saldanada Cumaan 11 โ€“ 12 December 2017. Shirkan ayaa waxaa furay Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka Cumaan H.H. Sayyid Fahd bin Mahmoud al-Said, iyadoo Wasiirada Dalxiiska & Dhaqanka ay ka soo qeybgaleen.

Related posts

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Ujeedada shirkan caalamiga ah ayaa ahaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga hayโ€™adaha dalxiiska iyo kuwa Dhaqanka looguna diyaar garoobi lahaa Ajendaha Qaramada Midoobey ee 2030 ee ah gaarista horumar joogta ah.

Shirkan ayaa Wasiiradii ka soo qeybgalay waxay yeesheen kulan wadahadal iyadoo CNN ay u qeybineysay dooda oo diirada lagu saarayey doorka Dalxiiska ee uga aadan nabada iyo horumarka.

Wasiirada Cambodia, Libya, Somalia, Iraq iyo Vietman ayaa wasiirada kale la wadaagay qorsheyaashooda soo nooleynta Dalxiiska si dalalkooda nabadeyntiisa iyo horumarka uga qeybqaataan.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka warbixiyey istraatejiyada iyo qorshaha Soomaaliya ay dib ugu soo nooleyneyso Dhaqanka & Dalxiiska ayaa yiri โ€œSomalia waxey dib u soo nooleyneysaa Dalxiiska & Dhaqanka si ay uga qeybqaataan soo celinta amniga, nabadeynta iyo horumarka dalka.

Soomaalidu waa dad adkeysi badan isla markaasna ku fiican hal-abuurka ganacsiga, bacdamaa uu dalku nabad noqonayo waxaan abuureynaa aasaaskii lagu horumarin lahaa dhaqanka iyo dalxiiska si dhalinyaradu ay hab-abuurkooda uga faaโ€™iideystaan taas oo rajo ku soo celineysa shacabka, isla markaasna horseedeysa shaqo abuur.โ€

Xoghayaha Guud ee UNWTO Dr Taleb Rifai ayaa yiri โ€œSanadkii 2016 in ka badan 1.2 billion dad ah ayaa socdaalay. Marka la gaaro 2030 waxaan rajeyneynaa in dadka socdaaladaya ay kor u dhaafaan 1.8 billion. Dhaqaalaha Adduunka 10% ayaa Dalxiiska ka yimaada oo ay 10kii qofba uu hal qof ka shaqeeyo arrimaha dalxiiska.

Dalxiise kasta waxuu fursad u abuuraa dhaqaalaha oo kobca, nabdeynta, is-fahamka bulshada, iyo in dadka magaalada iyo baadiyaha oo ka wada shaqeeya kor u qaadista Hiddahooda iyo Dhaqanka.โ€

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri โ€œWaxaan aaminsanahay in hadda la joogo waqtigii saxda ahaa ee Soomaaliya ay jiilka cusub u diyaarin laheyd siyaasadii, istraatejiyadii iyo qorsheyaashii dalxiiska dib loogu soo celin lahaa. Dalxiiska waa xaqiiqo jirta, caalamkana isagaa loo soo wadajeystay oo uu si xowli ah u socdaa.

Dalxiiska waxuu shaqooyin u abuuraa dhalinyarada, waxuu kor u qaadaa dhaqaalaha. Dowladda Federaalka waxey ku bixisaa juhdi fara badan si dalka uu u gaaro isku filnaasho buuxda.โ€

Wasiir Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in Soomaalidu ay leedahay Qurbo joog firfircoon oo buundo u noqon karta sidii loo dhiirigelin lahaa Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo haddii ay saaxiibadood ku qanciyaan inay dalka u soo dalxiis tagaan ayaa noqoneysa habka ugu habboon aan kor ugu qaadeyno hirgelinta dalxiiska iyo dhaqanka.

Previous Post

Hogaamiyeyaasha Islaamka oo maanta kulan ka yeelanaya goโ€™aankii Donald Trump

Next Post

Daawo Sawirro+Warbixin “Waxaan u dhaawacmay Dalkeyga waxaana u dhimanayaa Dalkeyga”

Next Post
Daawo Sawirro+Warbixin “Waxaan u dhaawacmay Dalkeyga waxaana u dhimanayaa Dalkeyga”

Daawo Sawirro+Warbixin "Waxaan u dhaawacmay Dalkeyga waxaana u dhimanayaa Dalkeyga"

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In