Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirro+Warbixin “Waxaan u dhaawacmay Dalkeyga waxaana u dhimanayaa Dalkeyga”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirro+Warbixin “Waxaan u dhaawacmay Dalkeyga waxaana u dhimanayaa Dalkeyga”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abshir Muumin Cali Gudoomiyaha Dhalinyarada ee Degmada Wadajir oo dhaawac  ka soo gaaray Qaraxii ka dhacay Degmadaasi 20-ka Bishii June ayaa loo sameeyey Xaflad soo dhaweyn ah kadib markii lagu soo daweeyey Dalka Dibadiisa.

Inkastoo uu hadda Caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay Abshir Muumin Cali oo dhaawac halis ah kasoo gaaray Qaraxii ka dhacay Degmada Wadajir ee Magaaladda Muqdisho 20-ka Bishii June ee Sanadkan dhanka kalena ku beegneed Maalin Bisha Ramadaan 25, hadana wali waxaa uu xasuustaa Saaxibo badan oo Maalintaas uu ku waayey Musiibada dhacday.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Runtii aad ayaan u murugoodaa markii aan soo xasuusto Maalintaas waxaa garbaheyga ka baxay saxiibo badan oo muhiim inoo ahaa kuwaas oo ka shaqeynayey Arrimaha Hormarinta Bulshadda Soomaaliyeed, waxaa kale oo aan u joognay in aan  dad danyar ah siino lacago aan iska soo Aruurinay”

Waxaa loo-qaaday Abshir Muumin Dalka Turkiga oo lagu soo Daweeyay kadib markii dhaqaatiirtu sheegeen in aad Dalka gudahiisa waxba looga qaban Karin Isha Bidix oo dhaawac ah halis ah kasoo gaaray xiligaas.

“Waxaa dhaawac halis ah iga soo gaaray mid kamida Indhaheyga waxaana dhaqaatiirka igu wargaliyeen in aan dalka gudahiisa waxba looga qaban karin, balse waxa dadaal badan sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir kuwaas  oo ku guuleystay in dalka dibadiisa ley-qaado”.

Abshir Muumin Cali Waa Guddoomiyaha dhallinyarada ee Degmada Wadjir , marki uu soo laabtay waxaa soo dhaweeyey Maamulka Gobolka Banaadir, kan Degmada Wadajir iyo dhalinyaro kuwaas oo aad u dhiiro galinayey.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumar Cabdule waxaa uu sheegay in dhallinyaradu door muhiim ah ka qaadan karto wax ka qabashada Amaanka Dalka hadii ay garbaha isqabsadaan.

“Waxaan qabaa in dhalinyaradu wax badan ka qaban karaan guud ahaan Amaanka Dalka maxaa yeelay, tiradda Dhalinyarada aad ayey u badan tahay, Aqoon ahaana aad ayey u wanaagsan yihiin”

Dhalinyaradda ayuu Abshir Muumin kula dar-daarmay inay markasta ka shaqeeyaan Hormarka Dalka.

“Waxaan Dhalinyarada kula talinaa in wax kasta iyagu hormuud u noqdaan maxaa yeelay waxaa ay leeyihiin awood badan oo aanan marna la-dafiri karin”.

In ka badan Shanbilood ayuu Dalka Dibadiisa ku maqnaa xaalad Caafimaad owgeed, waxaana ay dhallinyarada Degmada Wadajir u qabaan xiiso weyn, waxaa ay Gudoonsiiyeen Hadiyado kala duwan oo ay ugu talo galeen si-ay ugu muujiyaan in ay garabkiisa taagan yihiin.

W/Q Cali Axmed Sheekh

Previous Post

Daawo Sawirro+Soomaliya oo dib u soo nooleyneysaa Dhaqanka & Dalxiiska si dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaalo

Next Post

IMF oo soo dhaweysay Guulaha Somalia ay ka gaartay Hanaanka Maamul Maaliyadeed

Next Post
IMF oo soo dhaweysay Guulaha Somalia ay ka gaartay Hanaanka Maamul Maaliyadeed

IMF oo soo dhaweysay Guulaha Somalia ay ka gaartay Hanaanka Maamul Maaliyadeed

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In