Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Xulka Kubadda Cagta ee Puntland oo u soo gudbay kama dambeysta tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartoyda Xulka G/Benaadir oo guul ka gaaray dhigooda Jubbaland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xulka kubada Cagta ee Puntland ayaa iska xaadirisay kama dambeyska koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir ee ka socda garoonka Koonis Stadium kaddib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda martida loo ahaa ee Banaadir.

iyagoo uga mahadcelinaya gool qurxoon uu u dhaliyay Yacquub Cismaan Maxamed.

Related posts

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan, waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen cayaar wanaag aad loo jecleystay oo ay ku farxeen dhamaan taageerayaashii u soo daawasho tegay cayaarta, inkasta oo xidigaha Puntland ay heleen fursado badan.

Qeybtii labaad ee cayaarta waxa ay ku bilaabatay mid dar dar xoogan leh, waxaana labada xul ay sameeyeen fursado badan,  balse daqiiqaddii 77aad ee cayaarta ayaa xidiga Yacquub Cismaan Maxamed uu xulkiisa u dhaliyay gool qurux badan, taasi oo keentay in Xulka kubadda cagta ee Puntland ay hogaanka cayaarta la wareegaan.

Xidigaha Gobolka Benaadir ayaa isku dayay inay abuuraan fursado ay ku bareejeeyaan Xulka Puntland balse ma aysan u suurta gelin, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Xulka Puntland, sidaas ayay ku tiigsadeen finalka tartanka, waana markii labaad ee Xulka Gobolka Benaadir lagu reebo wareegga afar dhamaadka ee tartanka oo ay ka badiyaan Xidigaha Puntland.

Puntland oo difaacaneysa koobkaan ayaa waxa ay finalka ku sugeysaa midkii soo baxa kooxaha Koonfur Galbeed iyo Juballand oo berri ku ciyaaraya garoonka Koonis Degmada C/casiis ee Gobolka Benaadir.

Sannadkii hore Puntland waxa ay koobka ka qaadeen finalka xulka Jubbaland, kuwaasoo haatan semi-finalka jooga.

Previous Post

Shir ku saabsan dhismaha Gole deegaan oo ay yeeshaan Baydhabo iyo Baraawe oo la daah furay

Next Post

Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Next Post
Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Akhriso: Khudbad Muhiim ah oo uu Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka Cirka Soomaaliya Sareeye Guuto C/risaaq Maxamuud Xaaji (Qaloombi), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xarig jaray xarun loo diyaariyay ka jawaabista xaaladaha degdeg ah ee amniga Isgaarsiinta

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT),...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Tanzania

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Arusha ee...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyadeeyay geerida marxuum General Maxamed Cali Abokor

March 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ciidanka Qaranka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In